Awdalpress – London – Wararka ka imanaya gobollada galbeedka Somaliland ayaa la sheegaya in lagu guda jiro abaabulka dammaashaad iyo isku soo bax lagu soo dhaweynayo shirka golaha dhexe ee WADDANI ee sharafta ku dhammaaday.
Shacabka taageersanaa musharraxiinta Ahmed Muumin Seed iyo Mohamed Ali Aw Abdi ayaana si garba siman ah u wada daaddihin doona dammaashaadka la filayo in uu ka qabsoomo magaalada Borama. Iyaga oo dhinaca kale iska dhammaydhaya labadii garab ee ay u kala jabnaayeen. Sidaasi oo ah xaddaaradda lagu yaqaanno shacabka reer Awdal.
Dadka gobollada awdal iyo salal waxa ay durba dareemayaan neecawda isbeddelka siyaasadeed ee ka curtay Somaliland, waxa rajo weyn ay ka qabaan in guushu raaci doonto xisbiga WADDANI, ee barnaamijkiisii siyaasadeed shalay soo bandhigay.
Awdalpress





