Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Axmed Madoobe ayaa maanta magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ku gaaray heshiis soo afjaray isfaham-waa u dhaxeeyay labada dhinac.
Qodobbada ay ku heshiiyeen waxaa ku jira sameynta maamul ku-meel-gaar ah oo labo sano ah oo uu hoggaamiye ka noqonayo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), iyadoo maamulkana lagu magacaabi doonaa Maamulka ku-meel-gaarka ah ee Jubba.
Dekedda iyo garoonka diyaarada waxaa maamuli doona maamulka ku-meelka ah ee Jubba muddo ku eg lix bilood, kaddibna dowladda ayaa soo magacaabeysa maamul cusub.
Awdalpress(Adisababa) 29 Aug, 13–Wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya, ahna guddoomiyaha golaha wasiirrada ee IGAD, Dr. Tedros Adhanom ayaa sheegay in maanta ay maalin weyn u tahay Soomaaliya, Itoobiya, IGAD, Afrika iyo guud ahaan caalamka, isagoo xusay in xalka Afrika uu yaallo Afrikaanka dhexdooda .
Wuxuu sheegay in wada-hadallada ay billowdeen xilli labada dhinac ay rumeysnaayeen in Soomaaliya ay u qalanto nabad waarta, isla markaana ay u wada xaajoodeen si daacad ah oo ka fog daneysi kooxeed.
Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa sheegay in heshiiska uu soo afjarayo dhibaatada ku dhowaad sanad ka dhex taagneyd dowladda iyo maamulka Axmed Madoobe.
Wasiiru-dowlaha madaxtooyada Soomaaliya Faarax Cabduqaadir oo horkacaya wafdiga dowladda federaalka ah u saxiixaya heshiiska ayaa tilmamay in hehsiiska maanta uu billow u yahay tallaabo cusub oo dhinaca nabadda ah
Axmed Madoobe ayaa dhankiisa tilmaamay in heshiiskan uu muhiim u yahay dhismaha hannaan federaal ah oo xooggan oo ka dhaqangala Soomaaliya.
Wakiilka Xog-hayaha Guud ee ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa soo dhoweeyay heshiiskii shalay magaalada Addis Ababa ay ku gaareen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland.
Kay ayaa heshiiska ku tilmaamay tallaabo ka qeyb qaadan karta soo celinta nabadda iyo deganaanshaha Soomaaliya.
Wakiilka ayaa intaas ku daray in tani ay tahay furaha mustaqbalka Soomaaliya.
Waxa uu ugu baaqay labada dhinac inay hir geliyaan qodobbada lagu soo kala saxiixday heshiiska iyaga oo eegaya tallaaba kasta oo heshiiska lagu hirgelinayo.
Waxa uu hambalyo u diray hoggaamiyaha maamulka ku-meel-gaarka ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Dowladda ayaa Axmed Madoobe u aqoonsatay hoggaamiyaha maamulka cusub oo shaqeyn doona labo sano.
Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo dhoweysay, isla markaana ansixisay heshiiskii shalay ay dawladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka kumeel-gaarka ah ee Jubba ku kala saxiixdeen magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Ethiopia.
Golaha Wasiirrada ayaa heshiiska ku tilmaamay tallaabo horumar leh oo soo afjaraysa is faham-la’aan u dhaxeysay dowladda iyo maamulka, sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Ridwaan Xaaji Cabdiweli.
Afhayeenka ayaa xusay in uu Goluhu sidoo kale kulankiisii maanta ku ansixiyay qorshaha ciidanka booliska Soomaaliyeed lagu maamulayo afarta sano ee soo socota, kaasoo qeexaya kobcinta tirada iyo tayada ciidanka.
Kulanka wasiirrada waxaa shir-guddoominayay raysul wasaare Cabduqaadir Faarax Shirdoon.
RBK