Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Musharraxa Madaxweynaha, M/xigeenka iyo hoggaanka sare ee xisbiga Waddani oo tacsi tiiraanya leh u diraya eheladii Marxuum Mohamed Sh. Hassan Nuuriye

$
0
0

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.

tacsi-640x320

 

Musharraxa Madaxweynaha xisbiga Waddani Abdirahman Abdillaahi Cirro, Musharraxa M/xigeenka Waddani Amb. Mohamed Ali Aw Abdi, guddoomiyaha xisbiga Waddani Abdilqaadir Xaaji Ismail Jirde, hoggaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Ali Xaaji Xasan iyo hoggaanka sare ee Waddani waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan eheladiiiyo ummaddii uu ka baxay Marxuum Mohamed Sh. Hassan Nuuriye, oo maanta ku geeriyooday magaalada Borama.

 

Mas’uuliyiintan ayaa si tiiraanyo leh geeridan uga tacsiyadeeyey eheladii, qaraabadii iyo qaranka Somaliland ee uu ka baxay Amb. Mohamed Sh. Hassan Nuuriye oo ahaa shakhsi qiimo leh. Waxanay Ilaahay uga baryayaan in uu Jannadii Firdawsa ka waraabiyo, ehelkii oo ay ooridiisa iyo carruurtiisu ugu horreeyaanna samir iyo iimaan ka siiyo.

 

Aammiin

Xarunta xisbiga Waddani

Abdirashid Hassan Mataan.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images