Awdalpress – London – Intii ka danbeysey shirkii Waddani ee 19 October illaa 22 kii socday, laguna kala doortay labada musharrax ee Seed oo ka soo jeeda Habar Cafaan iyo Amb. Mohamed Ali oo ka soo jeeda Makaahiil, ayaa waxa isa soo tarayey in ay beelaha Habar Cafaan dib ula noqonayaan taageerada xisbiga Waddani. Maaddaama ay siyaasigoodii uu waayey kursigii uu u ordayey.
No….Maaha sidaa, beelaha HC ee sharafta lihi xaq bay u leeyihiin in qaarkood ay taageero mug leh la garab joogsadaan siyaasiga aan ku qanacin doorashadii uu sameeyey xisbiga Waddani. Laakiin sida laga warqabo, beerka ma siinayaan i cadhadu ku kallifto in ay xisbiga Kulmiye ee siyaasiyiinta askarta iyo wax ma tarayaashu ku bohoobeen ay beerka u dhigaan….Ingiriiska ayaa yidhaa enough is enough. Muuse Biixi waxa uu soo wado waa la garanayaa, Zaylicina waa la arkay. Kuwo kalena haba sheegin.
Calaa kulli xaal beelaha HC oo Somaliland, Awdal iyo Somaliba ka mudan sharaf ayaa baryahan dad iska dhigaya in ay nasteex u yihiini ay la dul koreen cay iyo dacaayad aanay geyin, baadhis ay shabakadda Awdalpress samaysayna waxa uga soo baxay in ay taariikh ahaan, dhaqan ahaan iyo tayo ahaanba ay beelaha Habar Cafaan yihiin dad dhabar ah, oo aan ku sifoobi karin dad la quudhsado.
Si kastaba arrin ha ahaatee, waxa socda wada hadallo uu xisbiga Waddani kula jiro, siyaasiyiin tageersan Seed iyo ashkhaas uu mid yahay Ahmed Muumin Seed oo lagu qancinayo in ay qaataan natiijadii ka soo baxday shirkii Waddani.
Hoggaanka xisbiguna waxa hoosta nooga xarriiqay in aan marna laga hadhayn cid kasta oo su’aal ka qabta, shaqada maalin laha ah ee xisbiga Waddani, hadday tahay heerka sare ee maamul iyo hadday tahay heer degmo.
Awdalprss





