Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Dr. Jamal Ali Hussein oo gees isaga duway warar sheegay in uu Kulmiye u socdo.

$
0
0

Jamaal nin qabiil maaha, halkii shirqoolka loogu maleegay, looga gacan haadin maayo, hadduu yeelana ninkii aan naqaannayba maaha.

 

Musharaxa madaxweyne ee xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Jamaal Cali Xuseen ayaa si adag u beeniyey warar sheegayey  inuu ku biirayo xisbiga Kulmiye.

Musharax Jamaal Cali Xuseen ayaa eedaymo culus u jeediyey go’aankii maxkamada sare ka soo saartay khilaafka xisbiga Ucid oo uu ku tilmaamay mid cadaaladda baal marsan, oo sharciga dalka khilaafsan.

 

Musharax Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlaya wararka sheegaya in uu xisbiga Kulmiye ku biirayo, ayaa waxa uu yidhi “Wararkaas waxba kama jiraan waxaanad ogaataan in xisbiga Kulmiye yahay kii aanu is haynay, laakiin annagu waxaanu eegaynaa mustaqbalka xisbigii aanu rabnay dagaalkana na looma yaraysan, oo aad ayaa na loola dagaallamay, wax lacag ah oo lay siiyeyna ma jirto go’aan aan ku qaatay inaan Kulmiye ku biiraana ma jiro aniga iyo garabkayguna waxaanu ka tashanaynaa mustaqbalka xisbigii aanu ku jirnay.”

Musharax Jamaal oo ka hadllaya go’aankii maxkamada ayaa waxa uu yidhi “Go’aankii maxkamada sare waxa uu noqday Cali Mahdi gar leh Caydiid-na gar leh oo ah xukun qarboosh aan hagaagsanayn manuu ahayn xukun cadaalad ah, waa maxkamadeenii ugu saraysay go’aankeedana inaannu qaadano waa nagu qasab laakiin gartu siday ahayd iyo xukunku sida uu ahaa waxa ka xukun wanaagsanaa oo ka cadaali sanaa guddidii diwaan gelinta.”

Musharax Jamaal oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Qoladan maxkamada sare waa nimanka yidhi ergada imanaysaa waa ergadii shirweynihii 2012-kii barigaasna xisbiga kumaani jirin anagu, dhibaatada jirtaana waxa weeyaan marna xeerka xisbiga ayey qaadanayaan marna heshiiskayagii, hadii ay ergadaas qaateen oo xeerka xisbiga la eegayo maxaa loo eegi waayey xeerkii xisbiga ee aniga laygu doortay ee go,aankii golaha dhexe ahaa, markaa waxaad moodaa in far badani ku jirtay oo loo soo yeedhinayey go’aammadaasi, anaguna sharafta ayaanu ka qaadanay oo aynu fulino ayaanu nidhi.”

Sidoo kale Musharax Jamaal ayaa sheegay in go’aanka maxkamada uu dhibaato ku yahay Faysal Cali Waraabe waxanu yidhi,  ‘Dhibaatada jirtaa waxa weeyaan Faysal Cali Waraabe ayaa xukunkii maxkamada jabiyey talaabana way ka qaadi wayday xataa xukunkii qarbooshka ee aanu aqbalnay ayuu jabiyey oo uu musharaxnimo aanu ahayn sheegtay oo uu kaligii shir ku dhawaaqay maxkamaddii sare-na ilaa maanta way ka aamusan tahay oo go’aanka xukun kamay qaadan.”

Ugu danbayn musharax Jamaal ayaa ka hadlay talo ay ku jiraan garabka xisbiga Ucid ee uu hogaamiyaa, ‘Talo ayaannu ku jirnaa haddana waannu wadnaa arimihii xisbiga, dhibaataduna waxa weeyaan xukunkii aanu is lahayn fuliya iyo shirkii ayaa carqalad la galiyey oo Faysal Cali Waraabe kaligii ku dhawaaqay go’aan, maxkamadii sare-na talaabo ayey ka qaadi wayday.”

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images