Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Borama oo ay ka socoto u diyaargarawga soo dhaweynta wafidiga Waddani ee uu hoggaaminayo Musharraxa M/xigeenka Mohamed Ali.

$
0
0

breaking-newsAwdalpress – London – Wararka naga soo gaadhaya magaalada Borama ayaa sheegaya in magaalada iyo nawaaxigeeda laga dareemayo dhaq dhaqaaq iyo abaabul aad u ballaadhan,  oo loogu diyaargaroobayo soo dhaweynta Musharraxa M/xigeenka  Waddani Amb. Mohamed Ali Aw Abdi iyo wafdi ballaadhan oo uu hor kacayo.

 

 

Wafdiga oo ay ka mid yihiin Dr. Ismail Buubaa oo asal Booramaawi ahaa, Dr. Mohamed Biixi Yonis oo wasiirkii arrimaha dibadda Somaliland ee ugu qiimaha badnaa ahaa, Guddoomiyaha Xisbiga Mr. Jirde oo taariikh dahabi ah ku leh Somaliland iyo hoggaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Ali Xaaji oo aad dadku aragtidiisa u soo qamaami doonaan iyo hal door kale oo aan immiga la idiin sheegayn.

 

Maalinta Khamiista oo uu wafdigu ku soo beegan yahay, ayaa waxa muuqan doona miisaanka uu musharraxani ku leeyahay gobollada galbeedka iyo taageerada Xisbiga Waddani. Magaalada ayaa maalintaa laga cabsi qabaa in dadka imanaya ama isku soo baxaya la waayo meel qaadda.

 

Guddiga hoggaanka u haya wafdigaa, ayaa la tashi iyo indha indhayn u imanaya magaalada Borama, waxana ay la kulmi doonaan guddiyada is abaabulay ee ku mashquulsan soo dhaweynta wafdigaasi.

 

Quwadda uu xisbiga Waddani ku leeyahay gobollada galbeedka ayaa maalintaa noqon doonta daahir yaa shamis. Loollanka doorashada Somaliland oo lagu kala baxayo gobollada galbeedkuna maalintaa ayuu kala caddaan doonaa.

 

Taageerayaasha xisbiga ayaa shacabka degaannada gobollada galbeedka ugu baaqaya in ay nidaamka ilaaliyaan, isla markaana si xarrago iyo ilbaxnimo ku jirto ula shaqeeyaan hawl wadeennada soo dhaweynta.

 

Awdalpress

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images