Awdalpress – London – Dr. Ismail Buubaa oo ahaan jiray wasiirka arrimaha dibadda iyo maal gashiga Somalia, immigana ka tirsan xisbiga Waddani ee Somaliland, ayaa askariga la yidhaa Ina Kaahin oo ka tirsan Kulmiye, waxa uu ku aflagaadeeyey, ku soo noqoshadiisa Hargeysa uu Buubaa ku soo laabtay. Waxana uu hadlkiisa gun dhig uga dhigay in aanu Ismail Buubaa ka tanaasulin dawladdii Federaalka Somalia ee uu ka midka ahaa.
Mudane Buubaa oo waraysi lala yeeshay kaga jawaabay arrintaa ayaa isna dooddiisa gun dhig uga dhigay ANIGU SOMALIA WAAN KA TANAASULAY EE ASKARKII MA KA TANAASULEEN MARYO ALOOLKII.
Haddaba waa maxay Mar-ya alool?
Marya-Alool, waxa uu ahaa dagaal sokeeye oo ay askarta Kulmiye hoggaaminayeen, run ahaantiina aan fiicnayn in la xasuusto. Waayo waxa uu dagaalkaasi galaaftay geesiyaal badan iyo maanti aan waxba galabsan.
Wakhtiga uu dagaalkaasi socday, waa markii, wax garad badani lahaa waar joojiya dagaalka , ee uu Musharraxa Kulmiye waa Muuse Biixiye uu isna dhiigga jeclaa ee uu lahaa….GEEDKA DAMALKA DOOYEYSAN MAAYEE, ANIGA OO WAX DILI KARA, DUCO QAADAN MAAYEE, DABCI QORIGA OO SHIISH…..
Laakiin maantu maalintaa way ka geddisan tahay, waxana lagu kala adkaanayaa warqad yar oo cad oo ka culays yar 1 mg badhkii, oo ay dadku ugu codaynayaan hoggaamiyaha ay doonayaan.
Askartase waxa looga baqayaa in ay ama dalka dagaal ka ridaan amma kaadhadhka codbixinta ay badh dhacaan, oo ay yidhaahdaan lama soo daabicin ama wakhtiga ayaa ka dhacay.
Si kastaba arrini ha ahaatee, Marya-Alool waxa maanta noqonaysa khiyaamadaasi aan ka sii digayno.
Awdalpress




