Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Hoggaanka beelaha Habar Cafaan oo ku baaqay in ay isugu yimaaddaan shir deg deg ah..

$
0
0

breakingnews-460x250Awdalpress – London – Suldaan Dhawal oo ah Suldaanka Guud ee beelaha Habar Cafaan ayaa la soo sheegayaa in uu ku baaqay in shir deg deg ah ay isugu yimaaddaan hoggaanka beeshu, waxana la filayaa in uu shirkaasi qabsoomo bishan November badhtankeeda.

 

Wararka na soo gaadhaya ayaa sheegaya in wixii ka danbeeyey shirkii Waddani ay hoggaanka beeshu xuuraaminaysay sidii ay uga gudbi lahaayeen hadal haynta guul darradii ku dhacday Ahmed Muumin Seed, ee ay la safnaayeen iyo arrimo kale oo la xidhiidha mustaqbalka siyaasadeed ee beesha.

 

Sida dad xog ogaal ahi ay soo gaadhsiiyeen shabakadda Awdalpress, waxa baryahanba ay odayada beeshu u tafa xaydnaayeen, sidii ay kulammo dhaxal gal ah ula yeelan lahaayeen dhadhaarrada Makaahiil, oo xilligan aad isugu duuban. Ujeeddaduna waxa ay daarran tahay in la soo celiyo is garabsigii iyo siyaasaddii ay weligoodba ka midaysnaayeen beelaha Makaahiil iyo Habar Cafaan.

 

Taariikhda marka dib loogu noqdo, waxa 1960 ay beelaha Makaahiil iyo Habar Cafaan badi ka midaysnaayeen, doorashadii Abdi Xasan Buuni uu ku gaadhay kursiga ra’iisal wasaare xigeenkii ugu horreeyey ee Somalia. Laakiin intii ka danbeysey waxa dhacday in siyaasiyiinta gobollada galbeedku ay noqotay nin iyo meeshii ka dirir.

 

Calaa kulli xaal Suldaan Dhawal oo sida la sheegay ka xun hadal uu dhawaan saxaafadda mariyey oo uu ugu hiillinayey Ahmed Muumin Seed, ayaa waxa uu u arkay in uu dariiq qalad ah oo aan kiisii ahayn qaaday. Sida lagu yaqaanna, Suldaanka oo ah nin rageed hadal yaqaan ah, ayaa doonaya in uu xal u helo, cadhadii Ahmed Muumin Seed iyo siyaasadda Habar Cafaan ee wiiqantay.

 

Dhinaca kale Ex-wasiir Geedoole oo ka soo jeeda beesha Habar Cafaan, isla markaana ah siyaasi miisaan leh, ayaa ka dhawaajiyey in ay beesha Habar Cafaan taageeradeedii xisbiga Waddani halkii ka sii waddo. Intaa waxa uu ku daray in Ahmed Muumin Seed laga badiyey, xalkuna aanu ku jirin in lala cadhoodo. Oo daleedda la dhigo dadaalkii ay beeshu la garab taagnayd xisbiga Waddani.

 

 

Isku soo wada duuboo, waxa aan shaki ku jirin in shirkaa la filayo ee Habar Cafaantu qabsan doontaa uu noqdo mid meesha ka saara, in siyaasaddii Habar Cafaan ee xisbiga Waddani ay duntay. Balse waxa aan la qiyaasi karin in Ahmed Muumin halkiisii ku soo noqon doono iyo in kale, waayo waxa muuqata in marba marka ka danbaysa uu sii fogaanayo, oo ay cidla ah sii jafayo.

 

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images