Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Kooxo budhcad siyaasadeed ah oo ku qul qulaya Hargeysa bartilmaameed kooduna yahay Kulmiye.

$
0
0

d6e81e1d3be7923f4a4ea8cfc014642380696a5d129113bee2019b5995176798Xisbiga Kulmiye ee haysta hoggaanka dalka ayaa waxa weerar cir iyo dhulba ah ku haya kooxo lagu magacaabo MAGGAFAYAAL ama BUDH-CAD SIYAASADEED, kuwaasi oo u haysta in xisbiga Kulmiye lacag badan qaybinayo, waxana ay qaar ku cusub yihiin dalka ama waxa ay muddo ka maqnayeen dalka. Sida laga warqabana waxa ay bilaabeen in ay u kala dus dusdusaan wasiirrada  Siilaanyo iyo madaxda ka sarraysa, oo ay ku beer laxawsanayaan inay doorashada soo socota Kulmiye la hawl geli doonaan.

 

Shakhsiyaadkaa oo sida dhaqan ahaan loo yaqaan aad u isticmaala saxaafadda, balse aan lahayn ujeeddo meel loogu soo hagaago ama la garanayo. Dhaqankooduna yahay in ay aad ugu mashquulaan qabiil ama jilibyo hoose oo aanay sumcad ku lahayn, balse waxa ka soo horreeyaa yahay hunguri iyo horta wax ii dhiib.

 

Qaar ka mid ah oo la ii sheegay in ay u tegeen Madaxweyne ku xigeenka iyo gacan-yara-yaashiisa, ayaa lagu qanciyey in ay horta hawl galaan, oo ay xisbiga tusaan sida ay ula hawl galayaan. Waxana illaa immiga la sheegayaa in laga ballan qaaday in hotello la dijiyo, oo laga bixiyo jiifkooda iyo cuntadooda. Laakiin sidii ay filayeen oo ahayd in adduun gacanta lagaga rido, weli may helin. Sida muuqatana ma filayo in ay dhacayso, waayo madaxda ay wax ka sugayaan waa kuwo khasnadahooda ku xidhay qufullo ad adag, waxa ugu jirana aan cidlo ku daadinayn. Amma aan u baahnayn in ay ku khammaaraan doorashada maanta la filayo.

 

Waxa loo sheegay in dalka ay abaaro ka taagan yihiin, oo mucaawino loo la’yahay, doorashadana aan la qaban karin haddii ay abaartani sidan ku sii socoto. Hase yeeshee Maggafayaashani, sidaa kuma samrayaan, xisbiga Waddani ee xawliga ku socdaana uma hayo adduun uu ku naas nuujiyo.

 

Sidaasi daraaddeed, waxa kooxdan budh-cad Siyaasadeedka ahi ay fara madhan kala kulmeen siyaasadaha ay doonayaan in ay ka xoolaystaan ee Somaliland.

 

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images