Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trump oo Hillary Clinton si lama filaan ah kaga adkaaday doorashada

$
0
0

Donald Trump ayaa loo doortay madaxweynaha Mareykanka ee 45aad.
newswirengr-breaking-news

Trump ayaa doorashada uga adkaaday Hillary Clinton taa soo aan loo maleyneyn markii hore maadaama la saadaalinaayay in Hillary ay guuleysan doonto. Guushiisa ayaa dad badan dhakafaar ku ah.

Donald Trump ayaa ah nin ganacsade ah oo bilyoneer ah. Wuxuu ka faaiideystay codeeyeyaasha doonaya in dhaqaalaha sare loo qaado codadkooda sida ay qortay wakaalada wararka ee AP.

Wuxuu kale oo ka faa’iideystay qowmiyadaha kala duwan waxyaabaha u dhexeeya ee laga yaabo inay kala tirsan karayaan.

Trump ayaa ka soo kabtay dhalliilo loo soo jeedinaayay laga soo bilaabo markii ololaha doorashadu bilawday sida inuu hada ka hor faraxumeeyay dumar.

Wuxuu aad Trump codad badan uga helay gobolada Florida, Ohio, iyo North Carolina. Gobolo kale oo badana codad aad u badan ayuu iyana ka helay.

Trump ayaa lagu wadaa inuu dago aqalka cad arintaasoo soo afjareysa 8 sano oo xisbiga Dimoqraadiga ee Obama iyo Hillary uu ka talinaayay halkaa.

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images