Awdalpress – Hargeysa – Laba shir oo ay kala qabsadeen labada garab ee UCID, ee ay kala hoggaamiyaan Faysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseen ayaa maalintii shalay ahayd laba shir ku kala qabsaday magaalada Hargeysa. Inkasta oo ay dawladda Kulmiye ay taageertay garabka Faysal, isla markaana ay shirka ka dhex muuqdeen madaxda xisbiga Kulmiye.
Halka garabka Jamaal Cali Xuseen loo diiday in ay shirkooda qabsadaan, waxana laga hor joogsaday barxaddii ay ka kiraysteen Hotel Mansuur, ee sida quruxda badan loo habeeyey. Kadib, waxa ay shirkoodii ku qabsadeen barxad bannaanka ka ah Hoteelka, waxana ay doorteen guddoomiye cusub oo hoggaamin doona xisbiga iyo hoggaan cusub,.
Halkan ka daawo.
Awdalpress





