Dagaallo lagu hoobtay oo macno la’aaneed, kuna bilowday is dhafoor taabasho ayaa muddaba ka socday magaalada Gaalkacyo. Dagaalladaasi oo sababay dhimasho, dhaawac, qaxooti iyo khasaare maaliyadeed ayaa waxa uu magaaladaasi ka socday muddo ku dhow bil. Waxana isaga hor yimid ciidammada maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug.
Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacayo ayaa sheegaya inay immiga is-afgarad gaadheen dhinacayada colaaddu ku dhexmartay magaalada. Weriyaha VOA ee Gaalkacayo, oo ku sugnaa goobta shirka ayaa sheegay in dhinacyadu ay isku afgarteen saddex qodob oo kala ah:
– In xabadda la joojiyo lana magacaabo guddi isku dhaf ah
– In 20-ka bishan lagu kulmo magaalada Kismayo si colaadda loo joojiyo
– Iyo in si qoto-dheer looga wadahadlo waxyaabaha la isku hayo
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in colaadda ka dhacaysay magaalada Gaalakacayo tan iyo bishii Octoobar ay ku dhinteen 45 qof, isla markaana ay ku dhaawacmeen in ka badan 130 qof, halka 90 kun oo kalena ay ku dhaawacmeen.
Warar intaasi dhaafsan weli lama hayo, inkasta oo ay hay’aadka xuquuqul Insaanku ay dagaalkaa dhacay baadhisteeda ay wadaan. Hase yeeshee waxa mas’uuliyadda dagaalkaasi dusha loo saarayaa, mas’uuliyiinta ugu sarraysa maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug.
Weriyaha VOA ee Gaalkacayo Cabdiwaaxid Macalin Isaaq ayaa warbixintan ka soo diray Gaalkacayo.
Awdalpress





