Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

John Kerry ayaa sheegay in 1,429 qof lagu dilay sunta gaaska ee ay dawladda Syria haysato

$
0
0

Xoghayaha Arrimaha dibadda ee Maraykanka John Kerry ayaa sheegay in dawladda Syria ciidankeedu usbuucii hore ay dad degganaa meel u dhaw Damscus oo tiro ahaan  gaadhayey  1,429 ku gumaadeen hubka sunta ah.

Mr Kerry ayaa tibaaxay in illaa iyo 426 ay ahaayeen carruur, waxanu weerarkan ku tilmaamay mid argagax leh.

Muddo yar kadibna, Madaxweyne Barack Obama ayaa sheegay in hubka sunta ah ee ay Syria haysataa cabsi ku yahay muwaaddiniintooda. Intaa waxa uu ku daray in dawladdiisu ay qaadan doonto fal celin xaddidan.

Dawladda Madaxweyne Bashar Al- Asad ayaa iyadu dafirtay in ay isticmaashay hubkaa sunta ah ee usbuucii hore shacabka lagu gumaaday, waxana ay ku eedaysay jabhadaha mucaaridka ah.

Kooxda Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ( UN )  u qaabilsan baadhista eeddan ah in shacabka lagu istimaalay hubka sunta gaaska ayaa marka ay Sabtida ka baxaan Demuscus caddaymahooda soo hor dhigi doonta UN.

Laakiin Mr Kerry ayaa tilmaamay in Maraykanku ( US ) ay hayaanba xaqiiqooyin, sidaasi daraaddeed aan baadhayaasha UN ta loogaba baahnayn wax kale oo cusub oo ay dunida u sheegaan.

Waxa kale oo uu intaa ku daray in Maraykanku aanu ka mid noqonayn fal celin arrintan laga sameeyo oo la mid ah sidii tii Iraq amma Afghanistan.

Dawladda Maraykanku mar hore ayeyba daabacday xog baadhisteeda ( published an assessment ) ay keeneen basaasiintu, taasi oo ay ku sheegayaan warkan oo ay ka heleen xogo rugo caafimaad, markhaatiyo, wariyayaal, video-yo iyo kumannaan ka mid ah wargeysyada shacabka.

Waxa uu tibaaxay in caddaymahani ay tusayaan 1,429 qof in lagu gumaaday, waxana la xaqiijiyey in ay dawladda Syria saddex casho ugu diyaargaroobaysey in ay weerarkaa qaadaan.

” Waan ognahay in madaafiicdu ay ka imanaynayeen dhinaca ay dawladdu maamusho iyaga oo ay duqaynayeen jiidda ay jabhaduhu ku sugan yihiin” ayuu yidhi.

Mr Kerray ayaa Mr Assad ugu yeedhay ” Bahal iyo dilaa ” laakiin waxa uu sheegay in ay maraykanku arrintani kaga jawaabi doonaan si miisaaman si ay uga fogaadaan raad xun.

Jamciyadda Qaruumaha ka dhaxaysa ayaan laga filayn in ay ansixiso weerar millatari oo lagu fara gasho arrintan Syria, sababtana waxa la leeyahay xubnaha joogtada ah sida Russia ayaa gacan saar la leh Syriyaanka dawladdooda, laba jeer oo horena waxa ay saareen awoodda Veto-ga la yidhaa ee diidmada ah.

Marykanka laftiisa waxa uu dib uga daba tagayaa diidmada Baarlamanka Igiriisku uu shalay oo khamiis ah diiday in mashruuca millatari ee lagu muquunin lahaa Syria.

Warkan waxa barta InterNetka ee BBCda ka soo akhriyey tifaftiraha shabakadda awdalpress.com

Ahmedweli Goth

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images