Habeenkii xalay ahaa waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ka dhacay qaraxyo iyo sidoo kale dagaallo qadhaadh oo fool ka fool ah kuwaasi oo geystay khasaare xooggan.
Ciidammada Al-shabaab ayaa weerar ku soo qaaday fadhiisin ciidammada dowladdu ay ku leeyihiin degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal saacado socday.
Guddoomiyaha degmadaasi ayaa sheegay inay iska difaaceen ciidammadii duullaanka ku soo qaaday, islamarkaana saaka ay bilaabeen howlgalo ay amaanka ku xaqiijinaayaan, waxana la sheegayaa in ay dad badan ku soo qabqabteen.
Dhanka kale qaraxyo Bambooyin aan xisaab lahayn ayaa ka dhacay meelo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho, waxaana qaraxyadaasi ay ahaayeen kuwo lala eeganaayaan goobo ay shacab ku sugan yihiin iyo sidoo kale ciidammada dowladda.
Muqdisho, Somalia





