Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Soo dhaweyn xammaasad leh oo aan innaba caadi ahayn oo Borama loogu sameeyey ciyaartoydii reer Awdal ee sannadka qaaday Koobkii ciyaarta gobollada kubadda cagta. (Halkan ka daawo )

$
0
0

dadka-boramaAwdalpress – Borama – Magaalada Borama oo ka mid ah magaalooyinka ugu dadka badan Somaliland iyo geeska Afrika ayaa, maalintii shalay ahayd waxa suuqyada iyo garoonnada isugu soo baxay boqollaal kun dad gaadhaya, waxana la arkayey in magaalada meel la kala joogsado la waayey oo dadku dhinaca isku hayeen, usha kor loo tuuraana aanay bannaan ku dhacayn.

 

Boqollaakan kun oo ka tirsan shacabka deggen magaalada Borama oo keliya, ayaa muujiyey dadka tiro beelka ah ee ku nool magaalada, dadkii sida cidhiidha u socday suuqyaduna waxa ay isku dayayeen in ay gawaadhida ciyaartoygu la socdaan kor u qaadaan.

 

Dhinaca kale waxa ay shacabka intan le’egi muujinayaan miisaanka ay ku leeyihiin Somaliland. Ee haddii ay dantooda meel uga soo wada jeestaan aan la loodin karayn.

 

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images