Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Kenya oo hakisay xiritaanka xeryaha Dhadhaab

$
0
0

_92463841_dhadhaabAwdalpress – London – War hadda na soo dhacay ayaa sheegay in xukuumadda Kenya ay hakisay dib u celinta qaxootiga Soomaalida ah ee ku jira xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab muddo lix bilood ah si loo helo dhaqaale iyo fursad wada tashi dheeraad ah lagu yeesho.

Wasiirka Kenya u qaabilsan arrimaha gudaha Joseph Nkaissery wuxuu intaa ku daray in dib u celinta tiro ku dhow 280,000 oo ah qaxooti ku jira xerada qaxootiga ee dunida ugu weyn – Dhadhaab – ay sii socon doonto.

Hadalkan ayaa ku soo beegmay maalin ka dib markii kooxaha xuquuqda aadanaha ay ku eedeeyeen xukuumadda inay qaxootiga ku khasbayso inay dib ugu laabtaan Soomaaliya, walow xaaladaha dalkooda ka jira ay yihiin kuwo adag.

Xukuumadda Kenya waxay hore ugu dhawaaqday inay xirayso xeryaha Dhadhaab wixii loo gaaro dhamaadka November.

 

BBC


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images