Taageerayaashii garabka Jamaal Ali Xuseen ee xisbiga Ucid laanta UK ayaa ku baaqay in ay Amar ka sugayaan Jamal ALI Xuseen Si ay ugu biiraan XISBIGA WADANI.
Habeennimadii Axadda ee taariihkdu ay ahayd 21/11/2016 Waxaa Galbeedka London ka dhacay shirweyne balaadhan oo ay soo abaabuleen Garabka xaq udirirka ah ee xisbigii New Ucid ee taabacsanaa Aqoon yahan Jamal Ali xussen, Xubnahaas oo ay ka mid ahaayeen Gudoomiyeyaashii Gobolada UK iyo Gudiyada Musdanbeedka ee Caasimada London. Bristol, Cardiff iyo Birmigham. Waxay gudidaasi shirkaas ku canbaareeyeen Afduunkii iyo inqilaabkii dhawaan lagu afduubay Xisbiga Ucid ee sifaha bilaa sharciga ah loogu cumaamaday Faysal Ali Waraabe si uu ugu adeego Xukuumada Siilaanyo una noqdo sub-station ka mid ah Xisbi xaakimka gabalkiisu sii dhacayo ee kulmiye.
Xubnahaa Taabacsan garabka aqoon yahan Jamal ali xuseen ee goobta shirkaa ka hadlay waxay isku raaceen in xukuumadda iyo xulufadeedu ay sife badheedh ah oo baal marsan xeerarka iyo xeegaanada dalka u yaala ay ula dagaalameen Musharax Jamal Ali Xuseen iyo garabkiisii xaq udirirka ahaa, waxaanay isku raaceen in ay xukuumadu ku tumatay dhamaan shuruucdii iyo nidaamkii dalku lahaa iyo dhamaan xeerarkii xisbigada qaranku isku maamulayeen. waxay isku raaceen in ay xukuumaddu fadeexadaysay Hayadii sharciga ee dalka ugu sareysay iyo gudidii Diiwaan gelinta ururadda siyaasadda oo digreeto iyo wareegto hoosta looga dhiibay si ay sharciga dalka u baalmaraan oo Faysal Ali Waraabe musharaxnimada xisbiga gacanta ugeliyaan. Taa soo hada dalkii uu noqday dal aan hayadihiisa sharcigu Haybad laheyn oo aan la isku haleyn Karin oo laga aamin ka baxay.. Waxaa Taageerayaasha Jamaal Ali Xuseen ee goobta isugu yimi ay ka dhawaajiyeen in Faysal Ali Waraabe loo isticmaalayo si uu laf dhuun gashay ugu noqdo xisbiga keliya ee mucaaridka ah ee Wadani doorashooyinka soo socda.
Gebegebadii shirkaa waxaa Taageerayaashu soo jeediyeen in xisbiga keliya ee dalka badbaadin karaa uu yahay Xisbiga mucaaridka ah ee Wadani sidaa daraadeed ay aqoon yahan Jamaal Ali Xuseen ka sugayaan Go,aanka kama danbeysta ah si ay ugu biiraan una Xoojiyaan Xisbiga Mucaaridka ee Wadani oo u baahan in loo hiiliyo si Dimuqraadiyadii ay ku taamaynay uu dalka ugu soo dabaalo.
Abdirahm Mohamoud ( Fidhin )







