Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Shir miisaankiisa leh oo waxgaradka beelaha Makaahiil ( Samarroon ) ku qabsadeen galbeedka London laguna taageerayey xisbiga Waddani ee Somaliland.

$
0
0

hotnewsShir miisaankiisa leh oo waxgarad ka mid ah Beelaha Makaahiil ( Gadabuursi ) ee deggan dalka Ingiriisku ay xalay ( 20/11/16) ku yeesheen galbeedka Magaalada London ee carriga Ingiriiska,  ayaa ahaa mid ku qabsoomay jawi qiira leh.  Dadka ka soo qayb galay ee isaga yimid gobollada dalka Ingiriiska ayaa dhammaantood ay ka go’nayd midnimada iyo wax wada qabsiga beelaha Makaahiil.

 

Kulanka noocan ah ayaan waxba ka geddisnayn, kulannada beelaysan ee gudo iyo dibadba uga socda qabaa’ilka reer Somaliland. Sidaasi daraaddeed, ay waxgaradka beeshu u aragtay in ay xilligan lagama maarmaan tahay in gudo iyo dibadba lagu qabsado kulammo iyo sharar ay beeshu aayaheeda kaga tashato, maaddaama ay meesha ka baxday midnimadii gobol ahaaneed iyo tolkii guud ee loo darbanaa.

 

Haddaba, shirkan oo ahaa kii ugu horreeyey ee noociisa ah, ee ay beelaha Makaahiil qabsadaan ayaa la diiday in loo oggolaado in film muuqaallo ah laga qaado ama si xor ah ay saxaafaddu uga hawl gasho, waxana dib loogu dhigtay shirarka kale ee soo socda. Ee uu ugu horreeyo shirweynaha dhici doona 16/12/16 kana dhici doona dalka Britain.

 

 

Shirkan oo ay marti ku ahaayeen siyaasiyiinta kala ah musharraxa M/xigeenka Waddani Amb. Mohamed Ali Aw Abdi iyo Xoghayaha WarfaafintaWaddani Mudane Abdirashid H Mataan, ayaa iyagana laga dhegeystay warbixinno ay kaga hadleen siyaasadda Somaliland halka ay marayso iyo gaar ahaan siyaasadda xisbiga Waddani ee xilligan u diyaar garoobaya doorashada dalka ka dhici doonta, xaaladda abaareed ee dalka Somaliland ka jirta iyo sida ay mar walba u xeerinayaan midnimada mujtamaca reer Somaliland ee xukuumadda Kulmiye kala rartay. Sidoo kale waxa ay hoosta ka xarriiqeen in ay nasiib darro tahay in bulshada reer Somaliland ay sidan u sii kala qoqobnaato, oo ay u kala qaybsanto qabiil qabiil iyo beel beel. Laakiin ay mar walba ka fekerayaan sidii looga gudbi lahaa beelaysigan iyo marxaladdan ay shacabkii reer Somaliland galeen. Waxase ay ka mahadnaqeen marti qaadkan ay beeshani Makaahiil u fidisay, oo ay yidhaahdeen waxan u aragnaa uun mid wada tashi ah oo xisbinimo. Hadalkoodiina waxa ay ku soo gaba gabeeyeen in koox kasta iyo reer kasta oo Somaliland ka tirsan ay dhex u yihiin kulamadoodana ay ka qayb galayaan haddii lagu marti qaado,  balse ujeeddada caawa ay kulankan u yimaaddeenna aanu ahayn mid ay qayb ka yihiin shirkan beelaysan.

 

 

Si kastaba arrini ha ahaatee, arrimihii shirkan la isku afgartay ayaa intooda badani daarranaayeen sidii loola saan qaadi lahaa xaaladda mujtamaca reer Somaliland ay maanta marayaan iyo kaalintii ay doorkooda ka cayaari lahaayeen haddii ay noqon lahayd doorashada Somaliland ku soo fool leh, muujinta awoodda ay ku leeyihiin degaannada ay degaan iyo isku tashi hor leh oo ay xoogga saaraan. Laakiin marna shirkan lagagama hadlin guluf colaadeed iyo cadaawad ay cid u qabaan, oo ku wajahan dadka ay wada degaan amma nacayb shakhsi oo kale.  Balse waxa ay iftiimiyeen sida loo juqa juqaynayo, ee midnimadii gobolnimo ee ay mar walba u darbanaayeen loogula colloobay.

 

Mar laga wada hadlayey ama wax la iska weydiiyey, Sababta keentay in aanay beelaha Makaahiil is kaashan amma isku urursan sida beelaha ay wada degaan gobollada galbeedka. Waxa la isku afgartay in ay sababtu daarran tahay dhawr arrimood:

 

  • Beelaha Makaahiil oo degaan ahaan dhul ballaadhan dega, tiro ahaanna 80% ka ah qabiilooyinka wada dega gobollada galbeedka ee Samarroon. Taasina ay ku khasabtay in aanay si gaar isku faquuqi karin amma tolkooda kale ka tashan karin, sidaasi daraaddeed xilka ugu weyn ee saaranina uu yahay midnimada oo ay ilaaliyaan. Hase yeeshee aanay jirin wax khilaaf ah oo dhexdooda yaalla, oo ay qabiil ahaan isku bahaysan waayaan.
  • Siyaasiintooda iyo hoggaankooda dhaqanka oo aan marna isku kallifin in ay beelaha Makaahiil meel isugu keenaan ama ka shaqeeyaan midnimadooda, waxana laga sheekeeyey wakhtigii Abdirahman Aw Ali uu M/xigeenka ahaa iyo wakhtigii Madaxweyne Rayaale uu Somaliland ka talinayey in aanay marnaba dhicin in beelaha reer Somaliland gaar ahaan beelaha galbdeedku marna shirar beeleedyo hoose yeelannin.
  • Siyaasiyiintaasi oo ka soo jeedo beelweynta Makaahiil, Laakiin intii ka danbeysey ay abuurantay cunuf is faquuq iyo gaashaan buuraysi beelaysan, oo ay dibadda ka yihiin beelaha Makaahiil. In haddii ay sidani ku sii jiraanna ay dhici karto inaanay dib dambe u hawaysan sidii ay talo ugu yeelan lahaayeen xukummadaha ay ku hoos nool yihiin, sida Somaliland, Djabouti iyo Ethopia. Sidaasi daraaddeedna ay ku khasban yihiin in ay is muujiyaan oo ay ugana wada tashan lahaayeen masiirkooda siyaasadeed ee mustaqbalka.

 

Xubnaha isugu yimid shirkan iyo kuwa abaabulayba waxa ay muddo ka wada tashanayeen sidii ay uga gudbi lahaayeen, baahsanaanta, ee ay uga midoobi lahaayeen siyaasadda iyo reernimada, iyaga oo ka shiidaal qaadanaya arrimo ay ka mid yihiin;  sida waxgaradka beelaha kale ee Sammaroon ay is bahaysi iyo gooni isku taag siyaasadeed ay u caddaysteen amma ay ka fogaan waayeen cunuf qabiil, ee weliba ay ku xisaabtameen in ay qaybo ka mid ah beelaha Makaahiil u sheegtaan abtinimo iyo isbahaysi ama ay ku shukaansadaan in ay xilal waaweyn siin doonaan beelaha qaar. Taasi oo ay maanta kaga faa’iidaysanayaan xukuumadda Kulmiye ee wakhtiga yari u hadhay ama doonaysa in ay kursiga ku sii negaadaan.

 

 

Ugu danbayn waxa ay hoosta ka xarriiqeen sidii ay uga dhex muuqan lahaayeen, amma u hoggaamin lahaayeen xisbiga Waddani ee Somaliland hoggaamintiisa u tartamaya, iskaashi luxdanna ula samayn lahaayeen bulshada reer Somaliland ee ku soo ururtay xisbigaasi. Una heellan in uu xisbiga Waddani noqdo mid hanta hoggaanka dalka Somaliland.

 

Dhinaca kalena waxa ay digniin u direen shakhsiyaad beelahooda ah oo doonaya in ay marxaladdan kala guurka ka faa’iidaystaan, oo ay mansab ama lacag ku beddeshaan masiirka ummaddooda, shakhsiyaadkaasi oo beelaha Makaahiil ka geli doona baal madaw haddii ay ka leexdaan masiirka beelweynta Makaahiil.  Waxgaradka guda iyo dibadba joogana waxa ay ku dhiirri geliyeen, uguna baaqeen sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen midnimada iyo wax wada qabsiga beelweynta Makaahiil.

 

Awdalpress

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images