Bari iyo galbeedba waxa siyaasaddii Somaliland isku xeeray qabyaalad iyo u kala raacis loo kala soocmay xisbiyada Somaliland ee Waddani iyo Kulmiye. Wararka aan maanta iyo maalmahanba helaynaana waa kuwo muuqaal cad ka bixinaya sida loo kala guulaysan doono, waana sidan hoos ku qoran:
GOBOLLADA GALBEED
Siyaasiyiin ka mid ah beelweynta Jibril Yonis, oo orod ugu jira sidii ay dawladda Siilaanyo kuraas uga heli lahaayeen, loogana gacan haadiyey Kulmiye. Laakiin Abdirahman Aw Ali uu uga digay in ay ka baydhaan dacama Makaahiil ee maanta bannaanka yaalla, ayaa ah arrin xasaasi ah oo xoog loo dareemay.
Haddaba mar ay Muuse Biixi iyo Abdirahman Aw Ali kulmeen ayaa waxa suuqa la soo geliyey dacaayado odhana in Abdirahman Aw Ali iyo Muuse Biixi oo wata ganacsatadiisu ay ku heshiiyeen in beelaha Makaahiil lagu soo dabbaalo Kulmiye, haddii la waayana Jibril Yonis la helo. Abaal gudkuna uu noqonayo laba wasiir oo beeshaa la siiyo.
Laakiin sida awdapress loo xaqiijiyey, shirar ay Jibril Yonis Borama ku galeen ayey u arkeen in aanay danaysiga xilligani waxba uga tari karin mustaqbalka, waa haddii ay damac yeeshaane. Hoos joogga Saylicina ka dhaxli doonaan cadaadis aanay sannado ka soo waaqsan. Waxana ay hoosta ka xarriiqeen in ay ku khasban yihiin taageero ay u fidiyaan musharraxa M/xigeen ee Waddani oo ah nin ay isku jufo yihiin oo reer Nuur ah.
Laakiin beesha hoose ee Reer Axamad ( Jibril Yonis ) oo aan la dhayalsan karin ayaa immiga u eg mid ay siyaasiyiintoodu u guuxday Makaahiilka is urursanaya, waxase ay leeyihiin Muusafiin kama maaranno ee Makaahiilow aan gogol u dhigno, si ay innoo soo raacaan. Muusafiinna waxa xuurto cunaha kaga haya Suldaan Dhawal oo leh wiilkiinnii Seed miyeydaan arkayn, taasi oo uu ku qarinayo mashriic uu kaga qaatay xisbiga Kulmiye oo uu rabo in uu madax madax ugu wada tuuro. Taasina waxa ay kala jab ku keentay beelweynta xoogga badan ee Habar Cafaan, gaar ahaanna beelsha Xeeb Jira oo iyadu wax badan ka tirsanaysa HC ayaa gooni uga joogta. Balse immiga ( shalay ) waxa la sheegayaa in waxgarab door ah oo ka socda beelweynta Habar Cafaan ay wada hadallo cusub la furtay xisbiga Waddani. Dad badan badan oo beeshaasi ahina waxa ay aamminsan yihiin in la dhayo boogihii ka dhashay shirkii Waddani. Oo aan beesha loo jiidin xisbiga cunsuriga ah ee Kulmiye.
Beelaha Maxad Case ayaa iyagu ku indho iyo dhagaba beelay xisbiga Kulmiye, waxana maskax u noqday siyaasiyiin ka lacagaystay siyaasadda Siilaanyo oo aan shan gaadhin. Waxase xusid mudan in la tilmaamo Suldaan Abshir iyo wax garad fara ku tiris ah oo beeshiisa ah oo illaa iyo muddo dheer gees ka taagnaa siyaasadda Zaylici ee kala qoqolbka ay dad badani u arkaan, waxa inta kale ( oday dhaqameedyada usha u haya Suldaan Samatar ). Laakiin dhallinyarada Maxad Case waxa ay ku arkeen garan maynee waxa ay ka soo taagan yihiin Muuse Biixi iyo kooxda uu wato. Qosolka siyaasadeed ee Borama ka taaganina waa sida suuqa lagaga sheekaystee, arki maysid siyaasi Maxad Case oo ka sheekaynaya xisbi kale oo aan ahayn Kulmiye, waxna kuma qabaan. Abdiweyne oo mashruuc la siiyeyna waxa uu siyaasad qaawan la dhex ordayaa sidii uu isugu diri lahaa beelaha Makaahiil iyo Habar Cafaan ee aan sina u kala maarmin.
Beealaha Makaahiil ayaa iyagu isku arka dad majara habaabay, oo geed hadh waayey noqday, cid walbana u jabay, laakiin immiga doonaya in ay xisbiyada dalka mid ka soo dhex muuqdaan, xisbiga ay ku tashadeenna waa Waddani, waxa ay baryahan ku hawlan yihiin sidii ay midnimo u yeelan lahaayeen.
Isku soo wada xooriyoo, xisbiga maanta gobollada galbeedka boqolkiiba siddeetan amma sagaashan ka helayaa waa WADDANI WADDAI WAA WADDANI.
BEESHA DHEXE IYO BARIGA
Beesha dhexe hore ayey ugu kala baxay siyaasadda, xisbiga Waddanina waxa uu maalmahan diyaarinaa xafladdii lagu soo dhaweyn lahaa Beelweynta CIISE MUUSE oo galbinaysa Jamal Ali Xuseen oo dhawaan si xun xun oo gunno loogu galay UCID. Caddaaladdii uu sugayeyna looga dacareeyey, ay kalliftay in ay garabkiisii laamayda ku qabsadaan shir.
Haddii ay saaxil sidaa ku soo gasho Waddanina waa lagu kala baxay…..KHALAAS. Xisbigaasina waxa uu noqday mid aan cid gaar ah amma qabiil gaar ah u xidhnayn. Beelaha kale ee Somalilandna aad ayey immiga uga wada dhex muuqdaan. Habar Jeclo oo way qaybsan tahay la leeyahayna ha iska qaybsanaato, kolley ugu danbaysta dhanka loo badan yahay ayuunbay raaci.
Beelaha Gebilay dagaa waa iska hugun raac, damac siyaasadeed nin lihi kuma jiro lama rajaynayo mustaqbalka, kolba kii kursiga imanaya ayaa ku shukaansada reernimo iyo been. Waxgaradkoodana waaba laga ilaaliyaa siyaasadda, oo Boobe sidii loo galay markii uu wasiirka ahaa ayaa ugu danbeysey. Midda kale siyaasiyiin fayow maba laha. Laakiin reer Dalalka oo abti u ah Amb. Mohamed Ali ayaa Jibril Abokor ku soo jiidaya in ay Waddani noqdaan.
Xisbigii Kulmiye waxa dhex taagan Muuse oo ah ka keliya ee daacadda u ah, waxase ay mashkaladi ka dhacday…..xataa beelihii Hargeysa gacanta kuma wada hayo. Dadka ku xeersanina waxa ay ku mashquuliyeen been aan jirin, nin ka danaysanaya amma xil doon ah oo ay kolba u keenaan iwm.
Dhulbahante, Warsangeli iyo Ugaasabe waxa ay 100% yihiin Waddani, Cali Khalif Galayr oo Khaatumo hoggaamiyaana waxa habeen walba la soo hadlaa Cirro iyo Xaglo-toosiye oo si hoose ula shaqeeya Waddani, waayo waa tii doorashadii M/xigeenka loo diiday, hase yeeshee uu iska oggolaaday in uu raaco rabitaanka Muuse Biixi.
Awdalpress







