Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Nin Somali ah, oo magaciisa lagu sheegay Cabdul Cali Carte, oo weerar ku qaaday jaamacadda Ohio

$
0
0

_92703751_4c0b4620-e845-4473-bfd2-a3ad678d67e9

Awdalpress – London – Wararka ka imaanaya dalka Mareykanka waxay sheegayaan in nin Soomaali ah oo llagu magacaabay Cabdul Cali Carte uu weeraray jaamacadda Ohio.

Ninka oo da’diisa lagu sheegay 20 sano jir, ayaa sidoo kale ardey ahaa.

Sideed qof ayaa ku dhaawacantay weerarka ka dib markii gaari uu jiirsiiyay dad ku sugnaa jaamacadda gudaheeda.

Ninkaasi ayaa markaasi ka dib gaariga ka degay wuxuuna billaabay inuu middi ku weeraro dadkii kale.

Waxaa markii dambe toogasho ku dilay booliska oo Jaamacadda Ohio gaaray.

Booliska waxay sheegeen in arrintaasi ay baarayaan si ay u ogaadaan inuu ahaa mid argagixiso ama weerar kale.

Ciidamo badan ayaa gaaray xarunta jaamacadda Ohio markii uu weerarka bilowdayCiidamo badan ayaa gaadhay xarunta jaamacadda Ohio markii uu weerarka bilowday

Maamulka jaamacadda ayaa sheegay in hadda xaaladdu ay deggan tahay.

Waxaa kaloo ay xaqiijiyeen in howlgalikii ciidamada uu dhammaaday.

Dadka dhaawacmay waxaa la sheegayaa in xaaladooda caafimaad wanaagsan tahay, cisbitaalka ay ku jiraan.

BBC


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images