Awdalpress – Hargeysa – Wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo fadhigii shalay ee golaha wakiilada ay hortageen isaga iyo qaar ka mid ah wasiiradii iyo ku xigeenadii uu dhawaan madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu soo magacaabay, ayaa mudanayaasha Baarlamaanku wax ka waydiiyeen wakiilada xafiisyada dalalka dibadaha u fadhiya Somaliland iyo saami qaybsiga masuuliyiintooda wasaarada arrimaha dibada oo lagu sheegay inay dhamaantood ka soo wada jeedaan beelaha dhexe. Xidhibbaan Saleebaan Cali Koore oo ka mid ah xildhibaanada mucaaridka ah ee laga soo doortay gobolka Sool oo isagu waydiiyay wasiirka arrimaha dibada, su’aal ayaa ku bilaabay “Wasiir ictiraaf ka sokow maxaa kaaga qorshaysan in safiiradii dalalka dibada u fadhiya Somaliland oo dhamaantooda ah beesha dhexe, ta kale waxaa jirta in masuuliyiintii sare ee wasaarada arrimaha dibada saddexdiina ugu sareeyaaba isku beel tihiin, arrimahaasi guduhu miyaanay ictiraafkii saamayn ku yeelanayn” Wasiirka khaarajiga Maxamed Biixi Yoonis oo su’aashaasi la waydiiyay ay xildhibaanada gobollada Sool, Awdal iyo Sanaag bari ugu sacabo tumeen ka jawaabay, ayaa wasiirku soo dhaweeyay su’aashaasi sheegayna inay waajib tahay in beelaha Somaliland ay u sinaadaan magacaabista xilalka dawladeed iyo xafiisyada dibadaha, isagoo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Qaranimadu waxay ku jirtaa in dawladnimada iyo xilalka loo sinaado oo wax la wada yeesho, balse aanay beel kaliyaata aanay dawladnimada yeelanin, sidaa darteedna arrinkaasi waxbaan ka qaban doonaa” Dhinaca kale xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe (Ibraahim Kacaan) oo ka mid ah xildhibaanada muxaafidka Kulmiye oo isaguna su’aal waydiiyay wasiirka warfaafinta iyo wacyigalinta Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)) oo kamid ahaa wasiirrada la ansixiyay oo su’aashiisu nuxur ahaan u dhignayd, in wasiirka warfaafintu TV-ga qaranka iyo inuu ka madaxbanaan yahay, ayaa wasiir Cabdillaahi Cukuse waxa uu cadeeyay inuu TV-ga qaranku aanu ka madaxbanaanayn, balse uu hoos tago wasaaradiisa. Fadhigan shalay ee wakiilada oo ay ka soo Xaadireen 51 Mudane waxay cod gacan taag ah oo gaar gaar ah ku ansixiyeen Wasiiradan taas oo u dhacday Sidan:- Wasiirka arrimaha Dibada Mudane Maxamed Biixi Yoonis waxaa Ogolaaday 50 Mudane Cid diiday iyo Cid ka aamustay ma jirin gudoomiyuhuna muu Codayn.
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse waxaa Ogolaaday 45 Mudane waxaa diiday 2 Mudane halka ay 3 Xildhibaan ka aamuseen Gudoomiyuhuna aanu codayn. Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Aadan Axmed Warsame waxaa Ogolaaday 48 Mudane hal xildhibaan ayaa diiday midna wuu ka aamusay gudoomiyuhuna Muu codayn. Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Maxamed Jamaac abgaal waxaa Ogolaaday 49 Mudan,Hal Xidhibaan ayaa ka aamusay Gudoomiyuhuna Muu Codayn. Wasiirka Dibu dejinta Mudane Axmed C.kariin waxaa ogolaaday 48 Mudane hal Xildhibaan ayaa ka aamusay midna wuu diiday Gudoomiyuhuna Muu Codayn. Wasiirul dawlaha Madaxtooyada Maxamed Muuse abees waxa ogolaaday 48 Mudane,cid diiday may jirin laba mudane ayaa ka aamusay. Wasiir ku xigeenada Ganacsiga Mudane Bashiir Cabdi Xariir iyo Qorshaynta Qaranka waxaa ogolaaday 47 ,Mudane hal Mudane ayaa mid walba diiday laba kalena way ka aamuseen gudoomiyuhuna muu codayn. Wasiir ku Xigeenka gaashaandhiga Cabdi Daahir Camuud waxaa ogolaaday 46 Xildhibaan waxaa diiday 3 Mudane waxaana ka aamusay hal Xildhibaan Gudoomiyuhuna muu codayn.
Haatuf





