Maqaalkan hoos ku qoran ayaa maanta ku soo baxay shabakadadda Cadceed, waxana uu qoraagu ra’yigiisa kaga jawaabayaa, maqaal usbuucii hore ku soo baxay shabakadaha oo mawduuciisu ahaa: Haddii aan reer Awdal ahay maxaa ii talo ah. Ma guulwadayn mise mucaarid.
Waan ogahayoo qoraaga maqaalkani waa mucaarid xag-jir ah oo aad uga soo horjeeda Somaliland ( weliba lahaa fikraddii Awdalstate ), waanan ku ixtiramayaa fikirkiisa mucaaridnimo, laakiin Somalida ayaa ku maah maahda, Timaha badhna madal ayaa lagu xiiraa badhna minanka….ujeeddada maah maahdaasi nin rag ahina waa garanayaa meesha ay liishaamayso, doqonna loo sheegi maayo. Mana lihi qoraaga maqaalkani jawaabta ah ayaa timihii minanka ku xiiray madashii.
Haddaba maqaalkii oo aan ka soo qaadannay shabakaddaa lagu soo daabacay ayaan akhristayaashada shabakaddan awdalpress.com aan jeclaysannay in ay nala wadaagaan.
Maqaalkii waa kan:
Qoraaga qoraalkan qoray oo ah Mulkiilaha iyo tafatiraha shabakadda Awdal press.com waxa uu doonayey inuu helo talo iyo jawaabo ku saabsan arinkaa uu bedka soo dhigay.Waxana hadaladiisa ka muuqday inuu dhaliilayey dhamaanba bulshda reer Awdal sida Siyasiyiinta ,madaxdhaqmeedka iyo waxgaradka kaleba iyo qurba joogga intaba.Waxana gabagabadii qoraalkiisa uu isagu talo ka bixiyey sidi ay la tahay imika oo ah inay haboontahay in guulwadaynta ay ka haboontahay mucaridad adag oo wax lagaga goosankaro maamulka S/Land.
Waxa haddaba hadalka qoraaga ka muuqata in reer Awdal ay Guulwadayn uun ay dhamaaantood ku soo dhaqmayeen intii ay S/Land. Waxa haddaba jirta oo cid waliba ogtahay in bulshada reer Awdal intii S/Land jirtay ay lahaayeen MUCAARID iyo MUXAAFID intaba.Erayga MUXAAFID waxan u soo qaatay waa erayga dhinaca luqadda Siyaasadda ku haboon marka aad barbar dhigto erayga GUULWADEYN ee u Qoruhu adeegsaday .
Waxa kaloo jira Ururo Siyaaasi ah qurba joogga reer Awdal dibadaha ka fureen sida Ururkii SDA ee 1990s iyo Awdal State 2011 oo u ololeeya in gobolka Awdal u yeesho maamulkiisa u gaarka ah oo uu isagu maamulkiisa u madaxbanaado.
Waxa kaloo jira siyaasiyiin iyo aqoonyahan reer Awdal oo badan u oleeya midnimda Somalia sida Prof:Samater oo u tartamay jagada Madxweynha Somalia 2012.Inkastoo Prof:Samater uu hadda bedelay mawqifkaas hore oo imika tageersanyahay qaddiyadda S/Land ka dib markii uu Safarkii tariikhiga ahaa ku tagay S/Land June 2012.
Waxa kaloo jira rag reer Awdal oo aad wax u ga qora arimha S/Land iyo Somalia guud ahaan oo qoraaladooda aan runtii waxba ula hadhin waxa ka qaldan maamulka S/Land gaar ahaan iyo guud ahanba Somaliweynba.Ragaas waxa kuwoWakhtiyo dhib,dhagar iyo dhiilo huwan.oda ugu caansan ka mid ah Bashir Goth oo runtii aminsan qaddiyada S/Land hase ahaatee si aan gabasho lahayn u ga hadla waxa ka qaldan maamulada S/Land ilaa Madaxweyne Cigaal ,Rayaale ila Siilaanyo intaba.
Wakhtiyo dhib,dhagar iyo dhiilo huwan.
Waxa kaloo jira hadaan dhinaca gudaha S/Land usoo noqdo wakhtiyo dhib iyo dhagar iyo dhiiloba jirtay oo madax dhaqameedku Reer Awdal qaarkood si raganimo oo aan gabasho lahayn ay xukumadda isaga caabiyeen.Tusaale: Murankii iyo hanjabaadii dhex maray Suldan Suleyman iyo Garaad iyo Taliyaha Ciidamada S/Land General Taani ka dib dilkii Sameel ,taasoo ugu dambaystii Suldaanka iyo Garaad ay ku guulaysteen in taliyaha Xilkii laga qaado.Muddo yar ka dibna isla Garaad loo magacaabo xilka wasiirnimda ee beesha Dila ee dhibta ka tirsanaysay Taliyaha ciidanka S/Land.
Waxa kaloo aan xasuustaa dilkii Sameeel ee 2011 si lo xaliyo maalin magalada Dila ay isugu yimaadeen madaxdii Xukumadda S/Land iyo odayaasha Degmada Dila.Dhinaca xukumadda Waxa hogaaminyey Wasiirka arimaha Gudaha Mr.Duur waxana ka mid aha wasiirkii Cadaaladda Prof:Ismaciil Mumin iyo Saddex General oo kala ah General Saqadhi oo Taliyaha Ciidamada Poliska ee S/Land iyo laba Taliye oo kala ah Taani iyo Taliye Jidhif oo bedelayey General Taani.
Marki haddaba hadalki odayaasha Reer Dila loo furay ayaa waxa hadlay nin oday oo magaciisa layiraa Nuux
waxa uu yiri hadal aan gabasho lahayn oo ka yaabiyey madaxdii xukumadda ee meesha fadhiday iyo dhamaanba dadkii dhagaystay hadfalkisii.Waxa uu yiri:”Waa wax lala yaabo in Wasiir H/Yoonis ahi (Duur) maanta uu aniga iyo abtiyaashay na dhexdhexaadinayo.Waxan sidaas u leehay dhibta iyo coladda na dhextal aniga iyo abtiyaashay waxay ahaayeen madaxdoodu kuwii sidhiiga noo qaban jiray.Haduuse Wasiirku maanta u socdo maslaxo iyo wanaag iyo nabad inu ka dhex dhaliyo aniga iyo abtiyashay waa tariikh ugub ah waanan uga mahadcelinayaa wasiirka Duur.General Saqadhi oo Arab ah degaanku waa cajiib eh markii Habar yoonis ay arinkan soo gashay ayuunbuu isna ku tageeray.
Labada Genan ee abtiyaasahay ah waxan leeyahay abtiyaal nimankaa Reer Bari weli abtiyashood kuma ay duulin Idinkuse Sacad Muse waxa ilaa maalintii dalka lasoo galay 1990 ilaa maanta la idiinka taag layahay Abtiyaashiin.Taasi waxan ku ogaaday in Reer Barigu inaga Gobsanyihiin.Haddaba waxan hadalkaygii ku soo gunaandayaa inanan hubka dhigayn meel itaal i dhigaba ilaa inta aan helayo rag tolkay ah oo leh darajadaas saddexda Janan ee madasha jooga rag u dhigma.Hadaan taas waayo dagaalkiiba maanta wuu dhibyaradoo 30 inan oo naftooda hurta oo is qarxisa waayi maayo”Hadaladaas oo dhani way duubanyihiin waxan ka heli kartaa You Tube ka Dilkii Sameel.
Waxan haddaba arimahan an usoo qaatay in qoraaga u caqli celiyo iyo bulshada oo aan fahamsiiyo in Reer Awdal ay marka ay S/Land Noqoto aanay kaliya ahayn dad Guulwadeeya oo kaliya wa sida uu hadalka udhigay qaraagu eh balse ay mucaarid iyo muxaafid iyo in badan oo halgan ugu jirta karamada iyo sharafta reer Awdal ay jirtay ayna jiri doonto.
Dhalinyarada Reer Awdal.
Dhalinyarada reer Awdal inkastoo ay qun yar socod yihiin inta badana ay dhowraan odayashooda iyo waayeelkooda iyo waxgaradkooda ,,hadana marka laga fursanwayo ee arkaan in odayaasha xoog dawladeed lagu muquuninayo iyo dhaqaaleba.Waxa ay ka bixiyen jawaabo aan hadal ahayn qaarkood ee ay DHIIG ku qoreen una dhinteen una dhawacmeen waxa ay diidanyihiin.
Tusaale:Arintii Mayorka Saylac ee la isku qabtay ee sida cad doorashadii lagu kala helay waa tii doorashadii la isku dayey in la laalo mayorka Saylac ee ku guulaysatay oo xaqdaro loo hiiliyo beel kale iyadoo la iska baal marayey nidaamkii doorashada ee dalka ka dhacay.Muran dheer iyo dood badan ka dib waxa wafdi culus oo isugu jira Wasiiro,Guurti ,xildhibaano iyo Salaadin ka socota Beesha dhexe ayaa Borama yimid iyagoo weliba wata Madax/Weyne ku xigeenkii S/Land.Waxa wafdigu Beesha dhexe e Hargaysa ka yimid ay usheegeen odayaashi Reer Awdal in gar iyo gardaraba Mayorka Saylac ay beesha Ciise xaq u leedahay in la siiyo.Inkastoo odayaashii reer awdal ay ku doodayeen dastuurka iyo xeerka doorashada iwm.Hadana dhag jalaq looma siin ee waxaaba hadalkii isku fuuqsaday Xaaji Cabdi Warabe iyo Muse Buuxi oo farta ululay odayashii Reer Awdal una sheegay in beesha ciise abaal aan la gudi karayn ku leedahay beesha Dhexe wakhtigii dagaalkii SNM sidaa awgeed ay khasab ku tahay in abaalkas aan wax ka celino inta ugu yar oo uu ka mid yahay Mayorka Saylac.Markii haddaba dhalinyartii reer Awdal oo ku xeersana madasha shirku ka socday ay ogaadeen halka la marinayo odayaashoodii oo loo awood sheegtay.Waxay qaateen go,aan geesinimo leh iyaga ayaana taladii faraha ku qaatay oo xoog ku galay madashii shirkii ka socday.
Intaa ka dib waxa bilaabantay xabad aan loo aabo yeelin oo la is baacsaday ,waxa goobtii ku dhintay Geesigii Jimcaale waxana dhawacmay tobaneeyo kale ,,hase yeeshee waxa goobtii shirka faro cidood kaga baxsaday dhalinta Ina Biixi iyo Xaaji Cabdi waraabe oo loola caray goob amnigooda lagu sugo.
Magaaladiii Borama oo dhani way gariirtay waxa is qabsay qiiqa iyo ololka qaylada iyo baroorta.Dhalintu Boorama waxa ka go,anayd inay dhimasho ka xigaan Go,aanka wafdiga Hargaysa.
Ugu dambaystiina waxa dhalintii kacdoonkoodii lagu joojiyey in go,aankii wafdiga Hargaysa la shir yimid laga noqaday,,Sidoo kale in Xubnihii iyo Mayorkii Saylac ee Reer Awdal si deg deg loo dhaariyo.Waxana loo dareeray subaxdii dambe aaskii geesigi marxuum jimcale oo ay ka qayb galeen Shacabka reer Borama iyo xubno ka tirsan xukumaddaGabagabo. oo uu hogaaminyey Saylici oo ka rali galiyey shacabka wixii dhacay.Sidoo kalena wax dhakhtarka lagu booqday intii dhawacantay.
Guusha wax iska leh Saylac Dhalinyarada oo dhiig huray.
Hadaan malintaa dhalintu kicin odayaasha Reer Awdal waa la muquunin lahaa maantana Mayorada magaalooyinka Saylac iyo lughaya wax si xaq daro u haysan lahaa dadkii ku guuldaraystay doorashadii degaanka tasoo ahaan lahayd guuldaro iyo jab aan hal qarni laga soo waaqsaden.
Gabagabo.
Waxan haddaba qoraalka ku soo gunaanadayaa in reer Awdal qaybo ka tirsan dibad iyo gudobo wayeel iyo dhalinyar inay ku jiraan halgan.Waxan qoraaga iyo bulshada u sheegaya in bulshada reer awdal ay leeyihiin sida aan korka ku soo xusay in halgan ku jirta iyo in aan ku jirin ee Guulawadaysa.haddaba qoraha maqaalka waxa ku dhiiri galin lahaa in aanu kaliya bulshada reer Awdal ku qiimayn kuna sifayn kalinta uu isagu waayo aragnimda uleeyahay oo kaliya.Hadii kaalintaas hore uu qoraagu ogaaday in aanay ahayn mid midho dhalaysa oo wakhti lumis waxa haboonayd kaliya inuu ka hadlo kaalintas uu isagu waayaha u leeyahay iyo guuldarooyinka ku gadaaman ,,laakiin ma haboona in Reer Awdal oo dhan hal kafad la wada saaro oo ah ta Guulwadaynta (MUXAAFID)
Mohamed dhiirane
mohameddrn@hotmail.com





