Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Shabakad laga leeyahay Awdal oo aan mudnayn in magaceeda la sheego, oo caadaysatay hanjabaadyo iyo kicin dadweyne.

$
0
0

breaking-news

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Awdalpress – Borama – Shabakad laga leeyahay gobolka Awdal oo aan mudnayn in aan magaceeda sheegno, ayaa intii muddo ahba waxa ay caadaysatay isku dirka iyo kala faquuqa shacabka reer Awdal, had iyo jeerna waxa ku qoran cay, aflagaado iyo hanjabaadyo ku wajahan beelo aan waxba ka ogayn waxa ay ka hadlayaan.

 

Sida la ogyahay, waxa shacabka reer Somaliland dareemayaan xummaddii doorashada, dadkuna meel ay joogaanba waxa ay kala taageersan yihiin xisbiyada Waddani iyo Kulmiye. Sidoo kale waxa lagu kala baxay xulistii musharrixiinta labada xisbi, waxana ugu danbeeyey xisbiga Waddani oo soo saaray Abdirahman Cirro iyo Mohamed Ali. Iyada oo ay sidaasi tahay, waxa haddana socda in xisbiga Kulmiye iyo xukuumaddu ay juqa juqaynaso shacabka reer guud ahaanba ku wada nool Somaliland, gobol walbana ay buuq iyo rabshad ka bilowday. Gobolka Awdalla uu ka mid yahay kuwa ay bar-tilmaameedsatay.

 

Waa sida had iyo jeer shabakaddaasi laga akhristee, waxa ay caadaysatay hanjabaad iyo aflagaado ay ugu hiillinayaan siyaasiga Seed ee waayey jagada Musharraxa M/xigeenka Waddani. Iyaga oo toos ugu hanjabaya Cirro iyo beeshiisa Habar Yoonis, si dadbanna u caayaya beelaha Makaahiil  ee ay ka soo jeedaan Mohamed Ali iyo Abdirashid Hassan Mataan. Mar walbana ay leeyihiin, CAR BOORAMA ha yimaaddo.

 

 

Laakiin waxa ay dhinaca kale illowsan yihiin in taageerayaasha Musharraxa M/xigeenka Mohamed Ali iyo siyaasi Abdirashid Hassan Mataan ay isha ku yahaan janjabaaddaasi, iyo cidla ka wareerkaasi ay shabakadahaasi qoraan. Lagana yaabo in aanay saacado ku qaadan in ay magaalada gil gilaan amma ay toos u bar tilmaameedsadaan dadka waxaasi wada.

 

 

Warkii ugu danbeyey ee ay shabakaddaasi qortay ayaa lagu qoray sheeko lagu qoslo, oo aanay carruurtuna ku sheekayn, waxana ka mid ah in Borama laga muddahaaridi doono, oo ay taageerayaasha Seed kala xidhi doonaan magaalada, Cirro, Mohamed Ali iyo Musdanbeedkoodana laga hor joogsan doono in ay magaaladaasi soo galaan. …..Is that possible? 

 

 

Si kastaba arrini ha ahaatee, waxan saaxiibbadayo u sheegi lahayn amma uga digi lahayn in haddii wararka noocaasi ah ay joojin waayaan, in ay iman doonto tallaabooyin lala yaabo, oo ka dhaca magaalada Borama. Beelaha walaalaha ah ee reer Awdal ee la kala haadinayana ay kala noqon doonaan huube iyo naqo.

 

Habar Yonis iyo beelaha Isaaq mid ka mid ahna la oggolaan maayo mar danbe loogu hanjabo. Haddii kale waxa iman doonta in aan la dhaafin Goraya Cawl. Taasina madaxa ku haya. Oday dhaqameedkana waxa laga codsanayaa in ay arrintaa ka hadlaan.

 

Awdalpress

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images