Awdalpress(Muqdishu) 06 Dec.2016–Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta ka bilaabatay doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee xubnaha baarlamaanka Soomaaliya u matalaya gobollada Waqooyi.
Xubno ay ka mid yihiin ra’iisul wasaare ku xigeenka Maxamed Cumar Carte iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda Cabdraxmana Ducaale Beyle ayaa ka mid ahaa musharrixiinta maanta la doortay.
Shalay ayaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya waxa uu soo jeediyey in doorashadan lagu qabto xarunta Xalane oo ah halka ay degan yihiin ciidamada Amisom iyo beesha caalamka.
Si kastaba, Doorashadan ayaa waxa ay ka dhaceysaa xarunta Gaadiidka Booliiska ee degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho.
Nuur Bukhaari ayaa faahfaahinta doorashada ka waraystay weriyahayaga Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.
http://av.voanews.com/clips/VSO/2016/12/06/337ed299-38eb-4c7f-a073-d6fb421b2514.mp3?download=1
Doorashada Xildhibaanada Waqooyi (0:05:41) please wait Direct link
Pop-out player




