Awdalpress – London – Shalay ayey ahayd markii uu Musdanbeedka garabkii Jamaal ee UCID ay caddeeyeen in ay ku biirayaan Waddani. Kadibna, Jamaal ayaa isla markiiba saxaafadda la hadlay, waxana uu ku tiraabay in go’aankaa lagala deg degay. Laakiin taageerayaashii Jamaal may jeclaysan in uu isna deg deg uga daba hadlo mas’uuliyiinta u soo hiiliyey illaa iyo muddo dheer.
Haddana maanta ayuu ku celiyey warsaxaafadeed, aanu weli caddayn meesha uu ku biiri doono. Balse, waxa uu hoosta ka xarriiqay in shantii mas’uul ee uu xalka ka sugayey, oo laba mooyaane saddex ay mawqif qaateen. Hadalladiisase waxa ka muuqday jahawareer siyaasadeed, oo uu garan la’yahay dhan uu u ciirsado.
Aqoonyahan Jamal waxa la taliyey waaqaca, waaya aragnimada uu kala kulmay khilaafkii UCID iyo mawqifkii ay Kulmiye ku lahaayeen. Intaasi waxa u dheerayd talooyinka iyo hiilka qorba joogga iyo qolqol joogguba la garab is taageen. Oo isna wax badan u sheegay.
Bal daawo sida ay KULMIYE ugu hiilliyeen garabkii Faysal ee UCID, ee shirkooda u qabsaday sida xarragada leh, xillaa oo uu garabka Jamaal muusannaabayey dariiqyada Hargeysa oo xataa loo diiday in ay shirkooda ku qabsadaan Hotel kii ay kiraysteen.
Dhinaca kale wax qarsoon iyo kaadhadhka ay reer Kulmiye la ciyaarayaani waa kuwo aan la garanayn, tawaawaca Jamaal uu ku xoqanayo Saleebaan Gaal iyo Gabboose, maaha weedhiihii aqoon-yahan Jamaal. laakiin war jiraa cakaare ayuu iman ayey Somalidu tidhaahdaa.
Awdalpress





