Awdalpress – Muqdisho – Waraka ka imanaya magaalada Muqdisho ee ka warramaya xulista ama doorashada aqalka hoose ee dawladda Federaalka Somaliya u matili doona gobolladii la odhan jiray Woqooyi, ayaa maanta lagu dhawaaqay, xubnihii loo soo xulay aqalka hoose ee gobolladaasi u matili doonana waxa ku guulaystay shakhsiyaad hore dawladda Somaliya uga soo qabtay xilal ama ka mid ahaa baarlamaanka Somalia. Lixda xubnood ee ku guulaysatayna waa
- Mohamed Omer Carte ( Isaaq/Sacad Muuse )
2. Dr. Abdirahman Ducale Bayle ( Samarroon/Maxad case )
3. sha Mohamed Omer ( Samarroon/ Maxad Case )
4. Yurub Ahmed Raabbi ( Isaaq/ Arab )
5. Mohamed Ibrahim Abdi ( Isaaq/ Sacad Muuse )
6. Ahmed Dhimbil Rooble ( Samarroon/ Maxad Case )
Doorashada ayaa sii socon doonta sida la rajaynayo, waxana sidoo kale dhiman doorashada xubnihii aqalka sare u matili lahaa gobolladii la odhan jiray Woqooyi, ee madaxbannaanida qaatay, waxbana aan ka ogayn dawlad ku sheegga ka socota Muqdisho iyo Koonfur.
Awdalpress




