Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Muuse Biixi iyo Zaylici oo Borama kula kulmay beelo ka tirsan Samarroon iyo ceebtii ka dhacday.

$
0
0

image00Awdalpress – London – Sida dad xog ogaal ahi u sheegeen shabakadda Awdapress.com, waxa illaa shalay wafdiga Muse Biixi iyo Zaylici ay hoggaaminayaan ay wada hadal kula jireen beesha Habar Cafaan, oo oday dhaqameedkooda iyo siyaasiyiintoodu ballan la galeen hoggaanka xisbiga Kulmiye. Kulankan oo ahaa mid u qorshaysnaa in uu noqdo kii lagu shaacinayey in beeshaasi u codayn doonto xisbiga Kulmiye. Balse wafdigii uu wajahay muran iyo dood adag.

 

Si kastaba ha ahaatee, waxa la sheegayaa in siyaasiyiinta reer Awdal ee Kulmiye u ololeeyaa ay soo jeediyeen in heshiis dhaqaale iyo mid kaleba la galo, laakiin la is dhaarsado…..Subxaana Allaah. Waxase arrintaa ka biyo diiday odayo aqoon u leh diinta, isla markaana yidhi, kitaabka nooguma jirto in arrinta noocan ahi ay dhaar gasho.

 

Midda kale lama maqal lamana arag cid gobollada kale arrintan la hor timid iyo dhaar lagu hesheeyey. Sidaasi daraaddeed, waxa la is weydiiyey, waa maxay sababta loo dhaaranayaa, ee weliba loogu dhaaranayo qaddar lacag ah oo aan dhawr boqol oo doollar dhammayn.

 

Sheekadan ugubka ah ee xisbiga Kulmiye uu la yimid gobolka Awdal ayaa ah mid laga fajacay, waxana ay ka sii yaab badatay, maqaska lala dhex qaaday beelaha walaalaha ah ee la socday illaa iyo meeshii ugu hoosaysey.

 

Awdalpress.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images