Awdalpress – London – Uur-cadde iyo xubno kale oo ka tirsan xisbiga Waddani kuna hadlayey magaca xisbiga, ayaa saxaafadda ka hor akhriyey eedaymo ay xisbiga Waddani u soo jeediyeen xisbiga Kulmiye, oo ay ku eedaynayaan ololaha ay ka bilaabeen Awdal. Waxana uu hoosta ka xarriiqay in Madaxweyne Xigeenkii dalka oo shalay uun dalka ku soo laabtay uu hoggaamiyey wasiirro iyo hoggaankii xisbiga oo Borama ka bilaabay olole hor leh, oo Kulmiye doonayo in uu ku kasbado shacabka reer Awdal.
Dhinaca kale waxa ay farriin u direen komishanka doorashada, oo ay su’aal ka weydiiyeen, in ay U kala hiillinayaan xisbiyada, oo qaarna loo oggol yahay in ay ololaha sameeyaan, kuwana loo diido. Waxa kale oo xubnaha xisbiga kulmiye ay ka hadleen laba muwaaddin oo waa sida ay sheegeene xaq-darro lagu xidhay.
Awdalrpess




