Awdalpress – London – Wasiir Omer Sh. Muhumed Faarax oo maanta wareejiyey xilkii waraaraddii shaqada iyo arrimaha bulshada ee uu wasiirka ka ahaa, kuna wareejiyey Wasiir Mohamed Abdillaahi Obisye, ayaa ku suntan shakhsi aan ummaddiisa godob, aflagaado iyo ceeb kale midna ka gelin, isla markaana ay dad badani abaal weyn ugu hayaan, badbaado uu ka badbaadiyey xukunkii macangagga ahaa ee Siyaad Barre.
Intii uu Wasiir Omer shaqada wasiirnimo hayeyna waxa uu ka mid ahaa wasiirrada aan wax hanti boob ah ku samayn wasaaradihii uu wasiirka ka soo noqday iyo hay’adaha hoos yimaadda, sida wasaaradda xannaanada xoolaha, wasaaradda duulista iyo tan uu maanta wareejinayo ee shaqada iyo arrimaha bulshada. Sidoo kale waxa uu godob la’aan kaga tegey degmooyinka galbeedka ee uu ka soo jeedo, oo ay xilligan ka socdaan siyaasado iska soo hor jeeda iyo is riix riix siyaasadeed ama qabyaaladeed.
Inkasta oo uu wasiirku ahaa shakhsi sidaa aan kor ku soo sheegnay ku tilmaaman, haddana waxa uu Madaxweyne Siilaanyo gartay in uu beddelo, maaddaama aanu fara gelin badan ku lahayn qabyaaladda amma aanu ka mid ahayn mas’uuliyiinta shaxaadka loogu tago, ee dadka ku laaluushta hantida qaranka. Laakiin ma odhan karro waxa loo beddelay waa sunnaha dawladnimo.
Wasiirka beddelay oo ah nin inaadeerkii ah, waa Obsiyee waa nin waaya arag ku ah shaqada, qurba joogna ahaa ama ku noolaa dalka debaddiisa. Laakiin waxa uu Omer kaga geddisan yahay, waa nin isagu ku dhiirrada wax ka sheegga dhacdooyinkii hore ee dhiigga badnaa, kuwa immiga taagan. Qudbaddiisa uu xilwareejintan ka jiidiyeyna ku sheegay in uu in badan saxaafadda ka hadlay, ma qirin in uu in badan saxaafadda kaga warramay dhacdooyinka aan la illaabi karin, ee dadkiisu soo maray. Balse immiga looga fadhiyo in uu ka sii hadlo iyo in uu dhanka kale u rogo dhalliilihiisii lagu yaqaannay.
Waxa kale oo uu Wasiir Obsiye beeniyey warar sheegaya in uu Facebook giisa ku soo qoray arrimo dhaawac ku ah Somaliland. Hase yeeshee, waxa uu meeshaba ka saaray in uu Facebook ba leeyahay.
Isku soo wada duuboo, waxa shacabka iyo media hu mar walba isha ku hayaan, maamullada dalku sida ay u socdaan, siyaasiyiinta hoggaanka u haya, waxa qaldan iyo inta toosan. Sidoo kale waxa saxaafadda caado u ah in aanay illoobin dhacdooyinkii hore, isla markaana ay mararka qaar soo faqdo, wixii laga yidhi iyo qof walba kaalintii uu ku lahaa, ku ummadda xasuuqay, ku difaacay, ku maamulay iyo ku u hadlayba.
Awdalpress





