Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Iran ayaa sheegtay inay samaysanayso maraakiib ku shaqeeya nukliyeer kadib markii Maraykanka uu sii dheereeyay waqtiga cunaqabataynta Iran.

$
0
0

markab

 

Awdalpress – London  – Madaxweynaha Iran Xasan Rouhani ayaa ku amray masuuliyiintiisa in la sameeyo maraakiiib ku shaqaysa nukliyeer, isagoo ku eedeeyay Maraykanka inay jabiyeen heshiiskii nukliyeerka ee sanadkii hore.
Hogaamiyayaasha waddamada ugu awooda badan ayaa ku heshiiyay in cunaqabataynta laga qaado, kadib markii heshiis laga gaaray barnaamijka nukliyeerka ee Iran.
Laakiin Kongareska Maraykanka ayaa dhawaan u codeeyay in cunaqabataynta Maraykanka ee saaran Iran waqtiga loo dheereeyo.
Madaxweyne Barack Obama ayaa la filayaa inuu saxiixo sharciga, Laakiin wuxuu sheegayaa inuusan saamaynaynin heshiiskii caalamiga ee nukliyeerka Iran.
Hadal uu soo saaray Mr Rouhani, ayaa ku dhaleeceeyay talaabada kongareska inay jabisay heshiiska, wuxuuna sheegay inuu masuuliyiinta waydiistay inay bilaabaan “samaynta gaadiidka badda ee ku shaqeeya nukliyeer.”
Iran oo bilawday mashruuc internet waddanka uu leeyahay
Wuxu kaloo sheegay in Iran ay u dacwoon doonto gudiga kormeeraya heshiiska.
Markii uu ololaynayay, Donald Trump, oo madaxweyne loo doortay ayaa ku hanjabay inuu joojinayo heshiiska Iran, laakiin ma cada sida siyaasadiisa ay u shaqan doonto.
Iran ayaa horay u sheegtay inay samaysan doonto maraakiib ku shaqaysa nukliyeer, markii ay jirtay xiisada barnaamijkeeda nukliyeerka.
Laakiin qabiirada ayaa sheegay inay noqon doonto mid aad qaali u ah oo aan lahayn faa’iido istaraatijiyad leh.

 

BBC


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images