Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Kaftan qosol leh oo dhex maray Muse Biixi iyo Suldaan Dhawal.

$
0
0


DHAWAL:
 Muse socdaalkaagan waan ku faraxnay, in badanna waad nala joogtay. Laakiin Muse dadku nin fudud ayey kuu haystaan, aniguse waxan kuu arkaa nin caqli badan, oo aniga iyo beeshayduba aan is fahmi karro. Maxaadse nooga cadhootay shirkii?

 

MUUSE BIIXI: In aan in badan idinla joogo waan ugu talo galay, haddaan Madaxweyne noqdana…. waaban noqonayaaye, magaaladan Borama ayaaban degeyaa kkkkk. Dhawalow reer galbeed ayaan isla nahaye, iga daa ammaanta oo u dhaadhac ujeeddada. Waad ogtahay waxa aan ka cadhoodaye.

 

DHAWAL: Madaxweyne waan ku taabacsannahaye bal dee ducadii hannagala tegina, oo Zaylicina waa maxay kitaabkan iyo dhaarta uu ducada daba dhigay kkkkk. Kaftankana ha ka xanaaqine,  maxaadse dareentay?

 

MUUSE BIIXI: Waaban idiin cadhoodayaaye, ma waxbaa iskugu keen hadhay. Ma ninkayga idiinku imid in aan idiin hiilliyo, oo Makaahiil idiinka hiilliyo, ayaad iigu abaal guddeen muran iyo dood aan xilligeediiba la taagnayn. Zaylicise ma anaa og kutubta uu sito iyo dhaarta uu idiinla yimid, malaha waanu idin aamminsanayn kkkkkk.

 

DHAWAL: Ma intii yarayd ee kaftankii, ee aan dadka maqashiinaynay ayaad ka cadhootay, waa ku sidee? Waar yaa Ilaahay yaqaan! kii aannu is lahayn ku ciil baxa ayaaba noogu daran. OK…Musow maxaa kuu tala ah, dadkii miyaan fasaxaa?

 

MUUSE BIIXI: Haaye Waddani gala dheh, oo maxaad tihiin…yaa miskiin. Horta dhawalow aan su’aal ku weydiiyee, reerkaagu immisa xildhibaan ayuu ku leeyahay gobolayaasha degaanka Awdal? Baarlamaanka Somaliland iyo guurtidana isama ayaad ku leedihiin? Dee bal aan hoos u yara xisaabtannee….mise durbaanka iyo buuqa i arkayda ah ee aad dadka ku xiijisay ayaad wax igaga doonaysaa?  Waar heedhe laba tuug baan nahaye yeynaan isku soo meeraysan kkkkkk

 

DHAWAL: Waan garanayey in aad waxaa maalaayacniga ah i weydiinayso, khasiin baad tahay kkkk ma maanta ayey reer Borama dhagta wax kuug qabteen? Maxaadse Abdillaahi Dheere u weydiin weydey, isaga ayaa si fiican been iyo runba kuugu sharrixi lahaaye?  Sheekh dhagayso, annaga xildhibaannadayada reer Awdal kumay soo bixin reero, kii aan is lahayn wax buu kala garanayaa ayaan u codaynayney.

 

MUUSE BIIXI: Dhawalow sheekaad haysaa. iga Wallood xariif tahay, ma anaad doonaysaa in aad darbi ii dhiibto, waxan ku idhi,’ Aaway af-hayeennimadaadii, ma waxad ku soo ururtay reerkan Habar Cafaan, ee xujada badan?

 

DHAWAL: Muusow weli ma bislid, Zaylici iyo saaxiibadaana way kaa dayrinayaan? oo malaha anaa qalad kaa fahmaye, fudaydkii kaama suulin, ee aan Ilaahay kuu baryo.

 

MUUSE BIIXI: Suldaan ma waxad iigu yeedhay in aad iga xanaajiso oo kolba hadal i ag dhigto, sawtii aan moodayey in aad hayso shacab Kulmiye soo galaya, ee aad i tidhi xafladna waan u dhigaynaa ee Zaylicina soo kexee. Immigana kii aad soo kexee lahayd ayaad leedahay, wuu kaa dayrinayey. Jaw iyo Wagagac…

 

DHAWAL: Adeer raalli ahow, ismaba fahmayno ninkan, waaba nin cajab leh, waxan u malaynayaa in aan Abdiraxaman Cirro iyo xisbigii Waddani ka nabsi galay, wallee Cirro waa nin qabow oo deggen. Laakiin waxan isku seegnay Ahmed Muumin Seed baroortiisii. Waase ka heshiin karraa… Calaa kulli xaal. Muusow, waa innoo mar kale, immigana waad daallan tahaye, iska hurdo tag. Oo orod oo naga tag…..kkkkkkkk

 

Awdalpress

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images