Awdalpress – Hargeysa – Wararka ka imanaya gobollada bari ee Somaliland iyo magaalada Hargeysa, ayaa sheegaya in abaaraha ba’an ee degaannadaa sida xun u baabi’iyey ay sababeen in dadkii iyo xoolihii wixii noolaa ay ka soo qaxeen, immigana ay marayso in magaalada Hargeysa lagu soo daabulayo, xoolo iyo dad aad u liita. Awal horena waxa ay dadkaa iyo xoolahaasi si ballaadhan ugu soo qexeen degmooyinka Gebilay iyo Dilla, oo shacabkii degaannadaasi intii karaankooda ahaa ay dadkaa tabaalaysan dhabarka u riteen.
Abaarahan oo immiga aad looga dareemay degaannada ku xeeran Hargeysa, ayaa la sheegayaa in cudurna ugu biiray, waxana laga cabsi qabaa in haddii gurmad la waayo ay shacabka degaannadaasi ay wajihi doonaan xaalad aan haba yaraatee, waxba loo qaban karin.
Haddaba mas’uul ka tirsan xukuumadda Siilaanyo, oo afka furtay una adkaysan kari waawey dhibta abaarta ee dalka ka taagan, ayaa ku baaqay in la joojiyo xafladaha maalaa-yacniga ah, oo loo gurmado sidii dadkaa tabaaraysa wax loogu qaban lahaa.
Awdalapress





