Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Obama oo u ololaynayo dagaalka Suuriya

$
0
0
2 September, 2013, 05:20 GMT 08:20 SGA
Diyaaradaha dagaalka
Madaxweynaha Maraykanka ayaa billaabay olole uu ugu qancinayo xubnaha aqalka baarlamaanka ee Kongres-ka inay taageeraan faragelin militeri oo ka dhan ah Suuriya.

Mudanayaasha aqalka Kongres-ka ee Maraykanka ayaa la filayaa in arrintan ay cod bixin u qaadaan toddobaadka soo socda.

Xubno badan oo ka tirsan aqalka Kongres-ka ayaa ka soo laabtay fasaxii ay ku maqnaayeen si ay u dhagaystaan warbixinno sirdoon ah oo muujinaya in dowladda Suuriya ay adeegsatay sunta Sarin ee wax gumaadda.

Warbixinnada Sirdoonka

Weerarkaas ayaa la sheegayaa in lagu dilay dad gaaraya 1400 ruux.

Warbixinnada sirdoonka ayaa loo adeegsanayaa in taageera loogu hela qorshaha madaxweyne Barack Obama ee ah in la weeraro Suuriya.

Madaxweyne Obama laftiisa ayaa billaabay inuu telefoon u diro xubnaha aqalka Kongres-ka ee ka soo horjeeda in faragelin militeri lagu sameeyo Suuriya.

Dowladda Suuriya ayaa sheegtay in weerar kasta oo lagu soo qaado uu caawin doono ururka Al Qaacida iyo taageerayaashiisa.

Wasiir kuxigeenka arrimaha dibedda ee Suuriya Faysal Miqdad ayaa sheegay in hubka kiimikada ay adeegsadeen mucaaradka hubaysan ee la dagaallamaya dowladda.

BBC


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images