Awdalpress – Muqdisho – Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, Hassan Sheikh Mahamud ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furey shirweynaha Qaran ee geedi-Socodka siyaasada Somalia iyo hiigsiga sannadka 2016ka.Shirkaasi wuxuu socon doona muddo shan maalmood ah, waxaana ka qeyb galaya ergo ka kala timid gudaha dalka iyo dibadiisa, waxaana looga dooddayaa in shacabka Soomaaliya laga qeybgaliyo talada dalka.Madaxweynaha Soomaaliya, Hassan Shiekh ayaa ka qeybgalayaasha shirka u sheegay inay ka soo talo bixiyaan habka ugu wanaagsan ee Soomaaliya looga qaban karo doorashooyin xor sannadkan 2016-ka.Madaxweyne Hassan, wuxuu sheegay in sannadkan ay dowladdiisu jirtay waxyaabo badan ay ku guuleysatay, hasse yeeshee ay jiraan arrimo aan sidii la rabay aan u qabsoomin.Hassan Shiekh wuxu sheegay in labada sano ay doonayaan inay qabtaan howlo badan oo ay ka mid tahay dib u eegista dastuurka oo afti dadweyne lagu ansaxin doono, dhaqangelinta Federaalka, sameynta xisbiyada siyaasadeed, guddiga doorashooyinka, maareynta maaliyadda iyo maamul wanaagga.
Shirkan ayaa la filayaa in xubnaha ka qeybgalaya ay talooyin ka soo saaraan.
VOA




