Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Itoobiya oo sii deysey ku dhawaad toban kun oo maxaabiis ah

$
0
0

Dawladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay sii deysey ku dhawaad 10 kun oo maxaabiis ah oo la qabtay intii lagu gudo jiray xaaladda dagdag ah ee la soo rogay bishii tobnaad ee sanadkan.

Ku xigeenka afhayeenka dawladda Zadig Abraha ayaa arrintaas u xaqiijiyay BBC.

2,500 oo ruux oo kale ayaase lagu soo oogi doonaa dambiyo la xiriira daganaansho la’aan.

Xukuumaddu waxay sheegtay in kuwa la sii daynayo la siiyay tabobarro khaas ah si loo xaqiijiyo in aysan mardambe ugu dhaqmin “dabeecad burburin ah”

Dadka xiran intooda badan waxay ka soo jeedaan gobolka Oromada iyo kan Amxaarada halkaas oo ay muddo bilooyin ah ka jireen mudaahaardyo lagu diidanaa takoor dhanka siyaasadda iyo dhaqaalaha ah.

Xaaladda ayaa dagtay tan iyo markii uu dhaqan gashay xaaladda dagdaga ah.

BBC


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images