Hooyada Somaliyeed marka ay inanteeda ama inankeeda la hadlayso hal-hayska ugu badan ee laga maqlaa, waa HOOYO I DHEGEYSO. Wiilka iyo gabadha lala hadlayaana waxa ay badi ku jawaabaan HAYE ama HEE……!. Yeedhmadaa Hooyada iyo jawaabtaa gadhadeeda ama wiilkeeda waxa ku duugan is-maan dhaaf, isku soo dhawaansho, jacayl iyo Karah. Haddaba markii aan u fiirsaday hab dhaqanka waalidka Somaliyeed iyo carruurtooda, waxa aan go’aansaday in aan qoraal ka sameeyo hummaagyada ama dhacdooyinka inna soo hor mara maalin kasta. Adiguna akhristow waxan kaaga fadhiyaa marka aad qormadan akhrisato aanad igala bakhaylin in aad ii soo gudbiso, wixii ka dhiman ama dhaliil ah, ee aad qoraalka kala kulanto.
WAALIDKA IYO ILMAHA SOMALIYEED.
Mama Khadiija waxa ay ilmaheedii mar walba ku leedahay, ‘Hooyo, maxaad ii dhageysan la’dahay marka aan kuu yeedho?’ Inantii amma inankiina waxa jawaab u noqotay, ‘ Hooyo mar walba waad ii yeedhaysaa, waxbana iima sheegaysid, xitaa marka aan mashquulsanahay ee aan wax baranayo waad ii yeedhaysaa.’ Mama Khadija, ‘ Hooyo waan ku jecelahay, in aan kuu yeedhana malaha afkaa iga bartay, mar aan aad kuugu baahanahay amma aan wax muhiim ah kuu sheegayaana way jirtaa, ee hooyo I dhegeyso.
Hadallada noocaasi ah waxa badi is dhaafsada waalidka qiimaha badan ee ilmihiisa jecel iyo ilmaha toosan ee weliba caqliga badan leh. Laakiin waalidka la dhalliilaa waa ka geddisan yahay kaasi, Ilmaha qalloocanina waa mid waalidkii kula hadla luqad adag, oo had iyo jeer walwal iyo cadho gelisa waalidka.
Dhaqanka wanaagsan iyo akhlaaqda suubban ee qoyska waxa bilaaba Hooyada iyo Aabbaha hoggaanka u ah reerka. Ilmuhuna waxa uu bulshada la dhex yimaaddaa dhaqankaasi uu ku soo bar baaray. Mustaqbalkiisana waxa inta badan saamayn ku yeelata sida uu ku soo bar baaray amma uu ku soo koray.
Waalidka qaar ayaa waxa caado u ah dirir badan, tilmaan badan iyo fara gelin badan oo ay ku hayaan carruurtooda, xataa illaa iyo marka ay qaan gaadhaan. Halka waalid badan oo kalena ay carruurtooda daayacaan, aanay kaba war hayn amma ay dano kale ka door bidaan. Labadaa dhaqanba waxa ay raad weyn ku yeeshaan nolosha ama horumarka carruurta iyo mustaqbalkooda. Dhaqanka noocan ahina waa mid ku badan bulshada Somaliyeed ee weliba qurba joogta ah.
Dhinaca kale waxa waalid badani wakhtigooda ku lumiyaan jacayl badan oo ay ilmahooda u qabaan, ka bad badin iyo wax kastoo ilmuhu jecel yahay oo ay u yeelaan. Sidoo kale jacayl dartii waxa waalidku rumaystaa wax kasta oo uu ilmihiisu u sheego. Xataa haddii uu schoolka amma macallimiinta wax ka sheego, iyaga oon ka fiirsan ayey hor boodaan oo maamulka schoolka amma macallimiinta la murmaan. Kadibna waxa dhacda in ilmihii iyo macallimiintiisii is nacaan, oo uu Ilmihii schoolkii sidaa kaga tago ama uu waxbarashadiiba ku naco. Jacaylka noocaasi ah oo la odhan karo waa mid taban, ayaa ilmaha ku haga guul darro uu kala kulmo nolosha.
Mama Khadiija ayaa odaygeeda weydiisay.’ Waryaahee Guuleed, maxaad maanta kala kulantay shirkii waalid schoolka?.’ Guuleed ayaa ugu jawaabay, ‘ Khadiijay waxa fiicnayd in aad I raacdo, lagama sheekayn karo, waxa aan ka soo faa’iidnay aniga iyo carruurtu. Inta aanay carruurtu seexan ayaanan ka wada sheekaysan doonnaa, laakiin carruurteenna waana la ammaanay, waxna way ka dhiman yihiin baa la yidhi, oo adduunyadu ma tobnowdo.’
Mama Khadiija oo qoslaysa ayaa tidhi, ‘ Guuleedow kolleyba war xun ma sheegtid, ee ilmahayga hebel ayaan yara dhalliishanahay, heblaayo waa gabadh iyadu dadaal badan, hebella waaban ogahayoo, waa xariif, oo islaantii heblaayo ayaa tidhi inantayda ayaa yarkaaga aad u ammaanta.’
Guuleed ayaa inta uu u soo yara dhawaaday Khadiija oo qolkooda sii gelaysa ku yidhi‘ Khadiija waxan ku idhi, waa innoo hadhaw ee carruurta lama maqashiiyo hadallada qaar, oo haddii aad qaarna ammaanto qaarna dhalliisho, cuqdad ayey kala qaadaan. Markaa, waa sidii aan kuu sheegaye, waa innoo marka ay seexanayaan, warbixinahoodiina mid walba geestiisa ayaan ugala hadlaynaa, kii la ammaanay iyo kii la dhalliilayba, miyaanay sidaa ahayn?.’
Sheekooyin badan oo noocan ah ayaa waalidka ilmahooda daneeyaa is dhaafsadaan, waana asluubka ugu fiican ee waalidku uga wada tashado barbaarinta carruurtooda. In runta laga dhaqaaqaana waa midda ugu fiican, adiga oo dhawraya xuquuqda iyo dareenka Ilmaha. Waayo, ilmuhu ma jecla in walaalihii hortooda amma meel kaleba lagu hor bah dilo, lagu hor dhalliilo amma hadallo qalbigiisa taabanaya lagu hor yidhaa.
Sidaasi daraaddeed, waxa habboon in waalidku u xil qariyo dhalliisha ilmihiisa amma aanu ula hadlin sidii qof wax u dhiman yihiin ammaba aanu ku af lagaadoon. Dhaqanka ugu fiicanina waa midka ixtiraamku ku jiro, hadalka oo aan kor loogu qaadini ugu horreeyo. Mas’uuliyaddiisa koowaad amma labaadna si deggen loogu sheego, si uu isna u barto ixtiraamka iyo in uu dadka waalidku ugu horreeyo ula hadlo si edeb ah.
La soco
Ahmedweli Goth






