Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Suldaan Ibrahim Jamac Samatar: Xubna goblaha dhaqanka Makaahiil hadalkoodii xaal ayaan dadka ka siinayaa.

$
0
0

Awdalpress – Borama – Golaha dhaqanka Gadabuursi qaybihii ka matilayey Madax-case iyo Habar Cafaan, oo ka biyo diiday go’aankii odayada dhaqanka beelaha Makaahiil ay kalsoonidii kala noqdeen Guddoomiyihii ku meel gaadhka ahaa ee oday dhaqameedka Gadabuursi.

 

Suldaan Ibrahim Jamac Samatar oo si adag uga hadlay arrintaasi, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay go’aankaasi. Sida dad la soo xidhiidhay warsidaha awalpress.com ay sheegeenna, waxa ay ku dhalliileen in uu war xanaf leh mariyo saxaafadda. Waxana habboonayd bay yidhaahdeen, in uu khilaafka golaha soo dhex galay loo dhammeeyo si hoose inta aan saxaafadda la marin, balse waxa ay immiga u eg tahay in uu Suldaan Samatar cirka ku sii shareeray xal in loo helo khilaafkaasi.

 

Oday dhaqameedyada Makaahiil maaha ciyaal iska hadlay oo loogu jawaabo si kibir leh ama hadal aan laga fiirsan loogu mariyo saxaafadda , dadka ay matilaanna maaha afar qof oo si sahaala ah masiirkooda iyo arrinkooda looga dul boodi karo ama loo cambaarayn karo, waxana ay arrintani dhaawac gaadhsiinaysaa wada tashiga beelaha Gadabuursi iyo xidhiidhka shacabka walaalaha ah.

Isku soo wada duuboo weli wax jawaab ah lagama hayo dhinaca odayada Makaahiil, hase yeeshee waxa ay u eg tahay in loo baahan yahay in laga fiirsado, lana miisaamo hadalka Suldaan Samatar iyo awoodda uu u muujiyey in waa sida uu hadalka u dhigaye, uu meesha ka saaray in aan go’aanka odayadaasi waxba ka jirin. Isaga oo weliba daba dhigaya xaal ayaan ka siinaynaa dadka.

 

Awdalpress.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images