Awdalpress – Hargeysa – War aan caadi ahayn oo ay saraakiisha ciidanka Amniga Somaliland ugu hanjabeen dad ay ku sheegeen in ay aflagaado iyo kicin ka wadaan Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa waxa saxaafadda mariyey saraakiisha ugu sarraysa ciidammada amniga Somaliland. Laakiin dadka mucaaridka taageeraa ay u fahmeen in iyaga loo jeedo, ayaa waxa walaac badan ka muujiyey guud ahaanba shacabka reer Somaliland.
‘Ciidanka Booliska Somaliland isaga oo gudanaya waajibkiisii distooriga ahaa ee loo aas aasay, oo ahaa ilaalinta nabad-gelyada iyo qarannimada dalka, waxa uu gelayaa hawl gallo aan kala go’ lahayn, oo lagu qaadayo dadka had iyo jeer war-baahinta uga hadla sida khaldan, iyada oo uu ciidanka ammaanku sugayo ammaanka.Heegan ayaan gelinay ciidammada amniga, waxanan beegsanaynaa dadka caadaystay in ay saxaafadda ka sheegaan wararka amniga u xun’. Hadalladaasi aan waafaqsanayn qiyamka iyo akhlaaqiyaadka ciidanka amniga iyo hadallo ka sii daran, waxa iska daba maray saraakiin, si xanaaqsan ugu hanjabayey shacabka sida nabad gelyada ah ugu nool Somaliland.
Dad ay saxaafadda awdalpress.com ka waraysatay ujeedka saraakiisha oo ka cudur daartay in magacyadooda la shaaciyo, ayaa sheegay in dhawaqa noocan ahi uu dalka Somaliland ku yahay mid ku cusub. Oo aan hore looga maqal. Waxana uu u eg yahay mid lagu wiiqayo dimuqraaddiyadda curdinka ah iyo habsami u socodka doorashada oo la doonayo in aanay si sax ah u dhicin.
Hanjabaaddan ayaa ah mid riddil ficilkeedu uu keeni karo cawaaqib xumo iyo kacdoon shacab, oo aanay ciidanka amnigu awood u helin in ay xakameeyaan. Waxana fiican baa la leeyahay in arrinta noocan ah aan lagu sii dayn saraakiisha noocan u hadlaysa, ee u eg dagaal oogayaasha.
Bal hadda nala daawada:
Awdalpress





