: Qormadan mawduuceeda aan ciwaankeeda ka dhignay mashruuca daymaha ee Dahabshiil oo shiki Ribo ka muuqdo” Daymahaas oo shirkadu ka bilawday sanadihii u dambeeyay magaalooyinka waaweyn ee Somaliland ayaa waxa isa soo taraya shiki ay muujinayaan ganacsatada daymaha u doonta Shirkada, ganacasatadaasi oo marka hore aaminsanayd in nidaamku yahay hab Islaami ah, kaas oo loogu tilmaamay Muraabaxo, Balse aan ahayn Muraabaxo sida ay xogaha nagu siiyeen ganacasatadaasi qaarkood, iyaga oo tilmaamay in dulsarku yahay boqolkiiba labaatan 20%, kaas oo aan weliba qofka la siinayn lacagta uu rabo inuu daynsado si uu guri ugu dhisto, haseyeeshee Alaabta uu lacagta u rabo shirkadu usoo iibinayso,..
Hadaba waxaan dul istaagi doonaa sheekooyin xiiso badan oo ku saabsan Arimahaas Muraabaxada Lagu sifeeyay iyo waxa kala qabsaday iyo ganacsatada, culimada fiqigu maxay ku macneeyeen muraabaxada iyo nidaamyada Baananka Islaamiga ah ee ka jira dunida meelo badan gaar ahaan dalalka muslimka… La soco
Yusuf Cabdi Faarax
Somaliland





