Awdalpress – London – Dalladda marka magaceeda la soo gaabiyo la yidhaa MG GROUP UK, ee u taagan maamulka dalladda jaaliyadda beelaha Makaahiil ( Samarroon ) ee dalka Ingiriiska, ayaa markii ugu horreysey hadhimo la wadaagtay mas’uul ka tirsan dawladda Somaliland.
Sida qaar ka mid ah guddiga MG GROUP UK ay war ku soo gaadhsiiyeen shabakadda awdalpress.com, ayaa waxa ay u sheegeen in habeenkii xalay ahayd ay soo dhaweyn u sameeyeen Hassan Daahir Dhinbiil oo ah wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka. Sababta keentay marti qaadkaasina uu yahay, sida ku cad sharciga MG GROUP UK, oo ah in ay mas’uul kasta oo beelaha Makaahiil ka mid ah ay soo dhaweyn u sameeyaan. La sheekaystaan, talo iyo fikirka ay ka qabaan meesha uu ka yimidna ay siiyaan.
Guddiga iyo odayada Makaahiil ee marti qaadka sameeyay ayaa wasiir ku xigeenka uga warramay ujeeddada loo dhisay form-kan iyo sababta loogu suntay beelaha Makaahiil. Waxanay meesha ka saareen in aanu marti qaadkani shaqo ku lahayn siyaasadda Somaliland iyo meel kale toona, laakiin ay u marti qaadeen tolnimo Makaahiil oo keliya. Waxana ay waraysteen su’aalo la xidhiidha isku xidhnaanta Makaahiil iyo kaalinta uu kaga jiro bulshada reer Somaliland.
Hadhimadaasi habeenkii xalay loo sameeyey Mudane Dhinbiil ayaa ahayd mid si fiican la isugu xog waraystay, waxanu wasiir ku xigeenku uga xog warramay guddiga iyo odayada kale ee Makaahiil guud ahaanba xaaladda uu dalkii Jamhuuriyadda Somaliland ku sugan yahay. Dhinaca kalena waxa uu aad u soo dhaweeyey isku duubnida ka muuqata Jaaliyadda Makaahiilweyne ee UK. Sidoo kale waxa uu ku boorriyey in ay wax la qabsadaan qaranka iyo jaaliyadda Somaliland ee UK, isla markaana ay ka dhex muuqdaan.
Sida laga warqabo, waxa dalka Britain hore ugu qabsoomay shirweyne ay xubnaha jaaliyadda beelaha Makaahiil ( Samarroon ) isugu yimaaddeen. Sidoo kale waxa soo dhaweyn aad u ballaadhan loo sameeyey musharraxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga Waddani Amb. Mohamed Ali iyo xoghayaha warfaafinta xisbiga Waddani aqoon yahan Abdirashid Hassan Mataan.
Gaba gabadii cashadaasi soo dhaweynta ah, waxa odayada iyo guddiguba ay hoosta ka xarriiqeen sida loogu baahan yahay in siyaasiyiinta iyo waxgaragka kale ee ka soo jeeda Beelaha Makaahiilweyne ee Somaliland joogaaba ay qayb uga noqon lahaayeen midnimada Makaahiil, balse aanay u noqdeen kuwo lagu xanto in ay kala daadinayaan.
Soo dhaweynta Wasiir ku xigeenka Dhinbil ayaa si qurux badan iyo is afgarad lagu soo gaba gabeeyey. Arrimaha aan lagu soo qaadina waxa ka mid ah siyaasadda xisbiyada Somaliland, ee loogu kala qaybsamay qabiilka.
Awdalpress







