Xildhibaan Cabdi xaashi Cabdullaahi ayaa ku guuleystay doorashada gudoomiyaha Aqalka sare ee Soomaaliya.
Xildhibaanada codeeyay ayaa 52-xubnood ahaa. Xildhibaan cabdi xaashi wuxuu helay 43 ka mid ah codadkii la dhiibtay, halka xildhibaanka la tartamaayay ee Mustaf Qodax na uu helay sagaal cod oo keli ah.
Beesha caalamka: Dambiilayaal yaan baarlamaanka cusub lagu darin
Geedi-socodka cakiran ee doorashada Soomaaliya
Codeynta oo saaka dhacday waxaa lagu qabtay xarunta Aqalka sare ee Soomaaliya ee magaalada muqdisho.
Waxaa loo gudbayaa dhowaan in la doorto gudoomiye ku xigeenada Aqalka Sare.
Muqdisho dhowaan waxaa lagu qabtay doorashada gudoomiyaha golaha shacabka iyo ku xigeenadiisa.
Jawaari oo mar kale loo doortay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya
Baarlamaanka Hirshabeele oo madaxweyne doortay
Marka ay soo gaba gaboobaan doorashooyiinkan waxaa la filayaa in loo gudbo midda Madaxweynaha oo musharrixiin badan ay u tartamayaan.
Xarunta Aqalka Sare ee cusub ayaa ah dhismo dhowaan la dhisay oo loogu talagalay in gabdhaha ay ku bartaan farsamada Gacanta.
Balse, Halkan waxay fariisin u noqon doontaa golaha Sanetka ee Soomaaliya si ku meel gaar ah, waxayna ka guuri doonaan marka meel loo dhiso.
QM: Siyaasiyiin ayaa faragelinayso hanaanka doorashada Soomaaliya
Doorashadii maanta: Muudday oo Faarax ka badiyey




