Awdalparess – London – Dr. Ismial Buubaa oo shalay saxaafadda la hadlay ayaa saddex arrimood oo muhiim ah u sharxay si cilmiyeysan. Arrimaha uu ka hadlay oo ay ka mid ahayd KISBUL XAAKIMKA had iyo jeer lagu cel celiyo…. waxa uu ku sharraxay in aanu dalka Somaliland lahayn wax la yidhaa xisbul xaakim, maaddaama nooca dawladnimada Somaliland ay tahay mid madaxweynaha la doorto oo Jamhuuriya, balse aanay ahayn mid la doorto xisbi ama leh ra’iisal wasaare.
Mar uu ka hadlayey dekadda Barbara, waxa uu hoosta ka xarriiqay in aanay dawladdu awood u lahayn in ay kelideed ka taliso, amma wasiirro ay ka taliyaan in dal shisheeye sal dhig millari laga siiyo dalkan, hase yeeshee loo baahan yahay in talo qaran laga galo, shacabkana si wanaagsan loo baro arrintan Berbera, haddii kale buu yidhi waxa iman doonto in ay dhibaato aan la ogayni meesha timaaddo. Sidoo kale waxa uu iyana tilmaamay in beesha caalamka iyo dawladaha jaarka aan nahay ay arrintaasi dareen ka qabaan, maaddaama arrintu tahay saldhig millatari.
Dhinaca kale waxa uu la yaabay sababta arrintan saldhigga millatari ah ay uga maqan yihiin wasaaradda gaashaan dhigga iyo kuwa ay khusayso.
Dr. Buubaa ayaa sidoo kale ka hadlay arrin aad muhiim ugu ah xoolaha, waxana uu sheegay in loo baahan yahay in ganacsatadu ay dibadda ka soo dhoofiyaan raashin xoolaha la siiyo, sida ay raashinka dadkaba u soo dhoofiyaan. Taasi oo uu buu yidhi badbaadin karta kumannaan xooleheenna ah. Maaddaama ay abuuruhu soo noqnoqonayaan. Waxa kale oo uu tilmaamay in loo baahay yahay in xoolaha loo sameeyo beero ay daaqaan oo gaar u ah xoolaha.
Halkan ka dhegeyso
Awdalpress





