Awdalpress – London – Gobollada Somaliland gaar ahaan dhulka khayraadku ku jiro, waxa ka socda mashaariic isugu jirta sahamin iyo macdan qodis. Sida laga warqabana waxa wasaaradda Macdanta Somaliland u xuub siibatay in ay noqoto goob laga ganacsado khayraadka dhulka Somaliland oo la qoto amma la dillaalo sahamintooda.
Buurta Siimoodi ayaa ka mid ah degaannada laga qoto macdanaha qaaliga ah, waxana loo soo kiraystay shirkad Shiiniis ah, oo intii muddo ahba buurtaa iyo degaannada ku xeeran ka wadda shaqo macdan qodis ah. Oo khasaare caafimaad gaadhsiiyey dadkii dhulkaa deggenaa.
Haddaba maanta waxa aan hellay hadal muuqaal ah oo Madaxweyne Siilaanyo uu kaga hadlay macdanta ama khayraadka kale ee laga qoto ama laga sahamiyo dalka Somaliland iyo sharcigeeda.
Awdalpress





