Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Qarax ka dhacay Muqdisho oo shan askari ay ku naf waayeen.

$
0
0


Ugu yaraan shan qof oo ka tirsanaa askarta dawladda Somalia, ayaa ku dhimatay qarax ka dhacay saldhig ciidan oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Qaraxa waxaa sidoo kale ku dhaawacantay 15 qof, waxana geystay qof dirayska milatariga soo xidhay, sida uu BBC-da uu u sheegay qof goob jooge ka ahaa qaraxaasi.

Qaraxyo dhawr ah ayaa maalmahan ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana masuuliyadooda sheegtay kooxda Al Shabaab.

Qaraxan u dambeeyay isla kooxda Shabaab ayaa sheegatay masuuliyaddiisa.

Shalay ayay aheyd markii weerar is miidaamin ah uu ka badbaaday Taliyaha cusub ee Ciidamada Soomaaliya , wax yar kaddib markii xilkaasi lagu wareejiyay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan shaaciyay in uu dalku galay xaalad dagal oo ka dhan ah Shabaab.

Kooxda ayaa hanjabaadaasi ku tilmaantay mid uu madaxweynuhu ku raaligelinayo reer galbeedka.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images