Awdalpress –
Hargeysa – Shacabka gobolka Awdal oo isku diyaarinaya sidii qayb libaax uga qaadan lahaa doorashada dhici doonta sannadkan dhammaadkiisa, ayaa laga dareemayaa in ay isbeddel rabaan, una codayn doonaan xisbiga Waddani.
Arrintaa oo su’aal laga weydiiyey M/Xigeenka xilligan Mudane Zaylici isla markaana ah musharraxa M/Xigeen ee xisbiga Kulmiye, ayaa si jees jees ah uga jawaabay su’aashaasi, isaga oo gees isaga riixay in aanu olole badan ka samayn doonin. Maaddaama uu yahay M/Xigeenka xillagan.
Awdalpress




