Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

TABABAR BOORAMA LOOGU SOO GABAGABEEYEY 140 MACALIN OO DUGSIYADA HOOSE DHEXE AH

$
0
0

Dept-for-education-logo-4X3Awdalpress – Borama – Xarunta Wasaarada Waxbarasada ee gobolka Awdal ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay tababar u socday  muddo laba maalmood ah oo 140 macallin oo dugsiyada hoose dhexe wax ka dhiga loogu samaynayey aqoon korodhsi, kuwaas oo la barayay sidii dugsiyada looga yagleeli lahaa waxbarasho loo dhan  yahay oo ay ku jiraan caruurta qabta baahiyaha gaarka ah iyo sidii macallinku u maamuli lahaa fasal ay ku jiraan caruur kala duwan.

Tababarkan ayaa waxa fulinaysay hayada (AIS) oo dhinaca waxbarashada  gacan ka siisa wasaarada waxbarashada Somaliland.

Xidhitaankii tababarkan ayaa waxa ka hadlay Jaamac Ducaale Xuseen oo ah Madaxa Xafiiska AIS ee Somaliland,  isaga oo ka hadalay ujeeddadii kulankanna waxa uu yidhi “Muddadii aan wada joognay waxa ay ujeeddadayadu ahayd in waxbarasho ay u dhan yihiin caruurta baahiyaha gaarka ah qaba iyo caruurta kale laga dhex abuuro dugsiyada ay wax barashadu ka socoto iyo sida uu macalinku u maamuli lahaa fasal ay ardayda fadhidaa kala duwan yihiin, waxa aan idiin sheegayaa in loo baahan yahay in wax laga badalo sidii fasalada loo maamuli jiray iyo sidii waxbarashadu u socon jirtay, waxana aan idiin rajaynayaa mar kale inaad tusaale u noqotaan dalka intiisa kale”

Cosmas Sosi oo ah madaxda xafiiska mashaariicda ee hayada AIS ayaa isaguna kula dardaarmay macalimiinta inay waxii ay halkan ka barteen gaarsiiyaan ardaydii iyo dugsiyadii ay ka yimaadeen, kuwaasi oo uu xusay inay baahi gaar ah oo dhinaca waxbarashada ahi ku gadaaman tahay caruurta baahiyaha gaarka ah qaba.

Guddoomiyaha Waxbarashada ee Gobolka Awdal Cumar Suldaan Indho-mood oo isaguna ka hadalay halkaasi ayaa u mahadnaqay hayada AIS waxna uu yidhi “Waxa aan u mahadnaqayaa hayada AIS oo ah markii labaad ee ay qabato kulan noocan oo kale ah oo ay waxbarashada gobolka Awdal ku tayaynayso, waxa kale oo aan kula dardaarmayaa macalimiinta in ay fursadan uga faaiideeyaan macalimiinta kale aan fursada u helin inay tababar sidan oo kale ah helaan, waxana aan filayaa in tababarkani uu noqon doono mid wax badan ka tara baahida ay qabaan caruurta gaarka ah ee dhinaca waxbarashada, waxana hubaal ah hadii ay macalimiintu fahmaan sida loo maamulayo inay fasalka ka dhigi karaan meel ay wax ku wada dhigtaan ardayda kala duwan, taasina ay suura galinayso in laga rumeeyo xaqa aasaasiga ah ee dhinaca waxbarashada ee ay caruurtu xaqqa u leeyihiin”.

Kulankan ayaa waxa kale oo ka hadlay qaar ka mid ah macalimiintii ka faaiidaysatay tababarkan waxana ay sheegeen in wax badan ay korodhsadeen, wixii ay faaiidaysteena ay gaarsiin doonaan caruurta, macalimiinta, dugsiyada iyo bulshooyinkii ay ka yimaadeen.

Heemaal


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images