Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Musharraxa Madaxweyne xigeenka Waddani Mohamed Ali Aw Abdi oo Komishanka ka codsaday in goobaha Borama ka baxsan loo kordhiyo muddada kaar qaadashada, mas’uuliyiin dawladda ka tirsanna si toos ah ugu digay.

$
0
0

Awdalpress – Garbihaadley – Amb. Mohamed Ali oo ah musharraxa u taagan M/xigeenka xisbiga Waddani, oo ku sugan goobaha kaadh qaadashadu ka socoto ee bariga Awdal, ayaa si adag uga hadlay, dhalliillaha ku wajahan hab maamulka goobaha kaadh qaadashadu ka socdaan ee gobolka Awdal, waxanu guddiga komishanka ka codsaday in ay muddada kaadh qaadashada ku daraan shan casho oo kale, maaddaama buu yidhi, ay jirto dhalliilo farsamo oo ka jira goobaha dibadda ka ah magaalada Borama ee gobolka Awdal.

Mudane Aw Abdi ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu farta ku fiiqay mas’uuliyiin dawladda u shaqeeya, oo gobolka ka wada khal khal gelin, waxanu uga digay in ay falalka aan fiicnayn ay shacabka ku khal khal geliyaan. Waxanu ugu baaqay in ay ka waantoobaan falalka noocaasi ah.

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images