Awdalpress – Muqdisho – Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” ayaa ururka Al-shabaab ku eedeeyay qaraxyadii xalay gilgilay Muqdisho.
Tarsan ayaa sheegay in qaraxyada xalay ka dhacay ay isugu jireen laba qeybood, qeyb waxa uu ku eedeeyay Al-shabaab, qeyta kalena waxa uu dusha usaaray siyaasiyiin.
“Al-shabaab fal dambiyeedyada waxa ay uadeegsanayaan dhalinyaro. waad arkeysaan wiilkan yar ee 20-jirka ah dhagartii uu la doonayay shacabka isaga ayaa ku halaagsamay”ayuu yiri Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ka digay in la qalqal geliyo amniga caasimada.
“Qaraxyada qaarkood waa kuwo lagu muujinahayo in la yiraahdo Muqdisho amnigeeda waa liitaa, waxaana ka dambeeya siyaasiyiin Fool xun” ayuu si kulul uyiri Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.
Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa xusay inaysan waxba udhimi doonin amaanka gobolka Banaadir kooxahasi isku biirsaday inay qalqal geliyaan shacaba Soomaaliyeed.
Awdalpress.com