
Police-ka Britain ayaa Isniintan shaaciyey magacyada laba ka mid ah saddexdii nin ee fiidnimadii Sabtidii weerarka ka geystay buundada London ama loo yaqaan ( London Bridge ), ee ay ku naf-waayeen toddobada qof. Halka ay darsinno kalena ku dhaawacmeen. Labada magac ragga leh ayaa Polic-ku mid ka mid ah aqoon u lahaayeen.
Metropolitan Police-ka London ayaa sheegay in mid ka mid ah labaa nin uu magaciisu ahaa Khuram Shazad Butt, da’diisuna ahayd 27 jir, Butt waxa uu ahaa basaas la shaqeeya MI5, waxana uu haystay dhalashada dalkan Britain, hase yeeshee uu ku dhashay dalka Bakistan.
‘ Si kastaba ha ahaatee, dhacdadani may ahayn mid la soo qorsheeyey, waxanan weli wadnaa baadhista sida uu falkani u dhacay’. Ayuu yidhi ninka Polic-ka u hadlay.
Ninka labaad oo ay Police-ku magaciisa ku sheegeen in la yidhaa Rachid Redouane oo 30 jir ah, kuna magac dheeraa Rachid Elkhdar. Waa sida ay Police-ku sheegeene, ninkan Redouance ayaanay aqoon u lahayn. Sidoo kale waxa uu ninkani sheegtay in uu yahay Moroccan iyo Libyan.
Ugu danbayntii, warbixinta ay Polic-ku sii daayeen ayey ku sheegeen in ay weli wadaan baadhitaan xooggan, oo ay qofka saddexaadna soo heli doonaan.
Awdalpress





