Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Shirkadda diyaaradaha xammuulka ah ee Qadar Airways oo xaalad adag wajihi doonta.

$
0
0

Shirkadda diyaaradaha ee loo yaqaan Qatar Airways, oo ah ta labaad ee ugu weyn diyaaradaha xammuulka ee Arabian Gulf, ayaa wajihi doonta xaalad adag oo dhinacyada hawl gelinta iyo dhaqaalahaba la xidhiidha. Taasi oo ay sabab u tahay xaaladda siyaasadeed ee ay dawladaha Gulf ka qaar xidhiidhkii ugu jareen. Saamaynta hawada ayaana qayb ka ah xaaladdaasi siyaasadeed.

 

Dhammaanba afarta duullimaad ee u dhexeeyey – Saudi Arabia, UAE, Bahrain iyo Masar – iyo Qadar ayaa meesha ka baxay, illaa iyo wakhti aan la cayimin oo ay ka bilaabmi doonto 6 june. Sidoo kale diyaaradaha Qadar Airways ayaan dul mari doonin hawada dalalkaasi.

 

Saji Ahmad oo ah chief analyst at StrategicAero Research consultancy in London, ayaa yidhi: ” Shirkadda Qadar Airways ayaa la kulmi doonta xaalad adag illaa iyo inta xal loo helayo duulimaadyadii ay dul mari jirtay Saudi-ga iyo UAE, ee ay shidaalka iyo hawlaha farsamana ka fushan jirtay. Xaalka immiga ay diyaaradahaasi geli doonnaanna waa in ay sugaan inta xal loo helayo, inta xalkaa ka horraysa waxa ay ku nagaan doonaan garoonnada Doha”.

 

BUSINESS & ECONOMY

 

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images